Wasiirka Maaliyadda oo Daahfuray Nidaam Cashuur Bixiyeyaasha Somaliland Waxtar u leh

0
503

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa daahfuray qorshe lagu maamusayo cashuur bixiyeyaasha Somaliland iyo dadka ku hawlan arrimaha ganacsiga, islamarkana lagu dhawrayo xuquuqda ay leeyihiin.

Waxaana munaasibadii daahfurka barnaamijkaas ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga Maxamed Xasan Sacad Saajin, masuuliyiinta rugta ganacsiga, ganacsato marti sharaf kale.

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr Sacad oo ka hadlay sida ay xukuumaddu ugu diyaarsan tahay in ay dadkeeda u adeegto oo ay u noqoto adeegeyaal bulshada u diran oo shaqaale u ah iyo in ay eegto duruufaka kala duwan ee cashuur bixiyeyaasha, ayaa yidhi. “Fikirka aynu imika kuwada shaqeynaa waa mid tilmaamaya iska hor imaad, imika waxaynu nahay cashuur qaade, cashuur bixiye, waxaynu nahay sharci fuliye sharci lagu fuliye, shicib iyo dawlad, waxaa aanay tilmaamayaan cilaaqaad aanay saaxiibtinimo ka muuqan, kaa markaasi waa aynu ka guureynaa waxaynu u guureynaa adeege iyo loo adeege annagu (Xukuumadda) waxaa aanu nahay adeegayaashii idinka ayaanu idiin khidmeynaynaa xaqbaad leedihiin, iyo waajibaad, hadii aad xaqiina weydaan waxaa aanu idiin soo bandhigeynaa goobtii aad u mari laheydeen, annaga waajibka na saarani waxaa weeye in aanu si wanaagsan oo hufan idiinku adeegno waa in aydaan noo arkin dad doonaya in aanu jeebkiina uun gacanta gelino, marka nuxurkeena maantu waxaa weeye qadarinta iyo qiimeynta cashuur bixiyaha”

Wasiirka Ganacsiga isna dhankiisa ballan qaaday in xukuumaddu ay diyaar u tahay in ay gacan siiso ganacsatada oo ay waxkasta oo ay la qaban karto ay la qabato, waxaanu yidhi. “Dawlada masuuliyadbaa saaran ninka ganacsatada ah inay duruufihiisa la socoto wixii ay la qaban kareysana ay la qabato, ayaan diyaar u nahay.” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda ganacsiga Maxamed Xasan Sacad Saajin

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply