Roob Lagu Diirsaday oo ka Da’ay Gobolka Buuhoodle

0
1370

Buuhoodle (Dawan):- Deegaano ka tirsan gobolka Buuhoodle ayuu xalay ka da’ay roob lagu diirsaday xilli ay deegaanadaas ka jirtay abaar baahsan oo taabatay nolosha dad iyo duunyo ee gobolka Buuhoodle. Roobab xoogan oo lagu diirsaday ayaa ka da’ay deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolka Buuhoodle.

Wargayska DAWAN oo xidhiidhi la sameeyay gobolka Buuhoodle ayay dadka deegaannadaasi u xaqiijiyeen in roobab lagu qabawsaday oo baliyada biyeeyay in ay ka da’een deegaanada hoos yimaadda gobolka Buuhoodle

Deegaanada roobku xalay helaya ayaa kala ah, Dandan, Sarmaantuke, Banyaal, carro weyn, Geed Dheer, Balicad, Xamar lagu Xidh, Dhilaalo, Saaxdheer, Dhallaama-cune kuwaas oo dhammaantood roobab wanaagsani ay ka da’een oo biyeeyay

Dhinaca kale Waxaa iyaguna roobab ay ka da’een deegaano dhinaca Itoobiya ka xiga degmada Buuhoodle iyo hawdkeeda oo ay iyagana roobabku heleen.

Deegaanadan ayaa ahaa deegaano roob aan badnayni uu hore uga da’ay isla markaana deegaano fogfog laga soo hayaamay, waxaana dhamaan deegaankaasi uu ahaa mid ay dad iyo xoolaba si aad ah ugu jilicsanaayeen raxmaadka ALLE ku maneystay, iyadoo sida ay waxgaradku sheegeen abaartii deegaanadaa ka jirtay in ay saamayn kale ku siii yeelatay dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo ku soo beegantay xilli kulul oo abaar ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply