Xuska Qarannimada Somaliland ee 18 May oo laga Oogay Finland

0
751

Helsink (Dawan):- Munaasibad lagu xusayey maalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu qabtay magaalada Helsinki ee dalka Finland, munaasibaddaasi oo ay ka qaybgaleen Jaaliyadda Somaliland ee dalkaas ka sokow Musharrixiin, Mudanayaal iyo Siyaasiyiinta dalkaas xilal ka haya, iyo weliba Jaaliyadda reer Ciraaq ee dalkaas ku dhaqan, sida ay sheegtay Safiirka Somaliland u fadhida Finland Saamiya Muuse.

Saamiya Muuse Wakiilka Somaliland ee Finland oo xafladda soo qabanqaabisay, ayaa sheegtay inay farxad iyo sharaf u tahay qaabka loogala qaybgalay dadka reer Somaliland ee Finland xuska maalinta qarannimadooda ee 18-ka May oo ay sii qabteen kawdii Ramadaan, sidoo kalena ay kala qaybgaleen Fannaaniin kala duwan oo Rag iyo Dumarba leh oo Heeso waddani ah ku soo badhigay xafladdaas.

Qoraal ay Wakiilka Somaliland ee Finland Saamiya Muuse soo gaadhsiisay Warbaahinta oo ay kaga hadashay munaasibaddaas dadkii kala qaybgalay oo ay si weyn ugu mahad-celisay, ayaa u dhignaa isdatan:-

“Waxaa sharaf weyn noo ahayed in ay nagala soo qayeb galeen Xubnaha u sharraxan Xildhibaannada Golaha Barlamaanka Midawga Europe (EU) ee doorashada dhici doonta 26 May 2019, Mudane Pekka Shemeikka oo ah diplomacy sare oo ka tirsan sanduuqa Guddiga Caalamiga ah ee SDWG Pekka Shemeikka, Marwo Jaana Ylitalo oo ah Agaasimaha Guud ee wadajirka ah ee PAM Association of Industries iyo Xildhibaanadda Golaha Degaanka ee Espoo Habiiba Ali.

Waxaan dhammaan ugu mahadnaqayaa dadkii ka soo qayebgalay xuska 18 May, Haween, Odayaal, dhalinyaro iyo jaaliyadda Iraq ee magaalada Helsinki ee dalka Finland, waxaanan dhammaan leeyahay qof kasta oo garab iyo taageero igu siiyay BEERKA KA OGSOONI. Midnimo Walaalnimo Gobonimo Somaliland. Xafladda waxaan uga soo hormarinay 18 May Ramadaanta iyo doorashada baarlamaanka Europe awgood.” Sidaa ayey qoraalkeeda ku tidhi Saamiya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply