Xukuumadda oo Hirgelisay Xafiis Mideynaya Cashuuraha Liisamada

0
562

Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland, ayaa hirgalisay isla markaana xadhiga ka jartay xafiis midaynaya qabashada cashuuraha.

Wasiirada wasaaradaha horumarinta maaliyadda iyo ganacsiga Dr. Sacad Cali Shire iyo Maxamuud Maxamed Xasan ayaa si wada jir ah xadhiga uga jaray xafiis mideynaya qabashada cashuuraha iyo liisamada ganacsiga.

Waxaa kale oo ay masuuliyiintaasi sheegeen in dhammaan gobolada dalka ay gaadhsiin doonaan xafiisyadda ay xadhiga ka jareen.

Waxaa kale oo ay xuseen in xafiiskan loogu talo galay in ganacsatada kala duwan ee reer Somaliland marka ay qaadanayaan liisamada amase ay cashuuranayaan in goob kaliya ay ka helaan adeegyadii ay ka heli jireen goobo kala duwan, kuwaasi oo ay u tagi jireen wasaaradaha ganacsiga, maaliyada iyo xeer ilaalinta qaranka.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga warshadaha iyo dalxiiska mudane Maxamuud Maxamed Xasan Sacad (Saajin) ayaa faahfaahin ka bixiyay xafiiskan muhiimada uu bulshada u leeyahay waxaanu yidhi “In muddo ahba waxaa jirtay dhibaato weyn oo dadka is diwaangelinayay heysatay taasi oo aheyd in meelo kala du-duwan ay adeegga ka raadin jireen, waxaa nasiib wanaag ah in goobtii uu nagu dhirigaliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland in dadkii aanu dooneynay in ay wax inoo sameeyaan ay wakhti ku qaadato, anaguna waanu isku tashanay xafiiskani muddo yar oo kooban ayuu noogu hirgalay oo midhaheeda durbadiiba waanu aragnay, qofku marka uu noo yimaado markaaba isaga oo shahaadadiisa sita ayuu la baxaa”

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo isna hadal kooban ka jeediyay munaasibadii xadhig ka jarka xafiiska ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay gobolada dalka oo dhan xarumo kaga furanayaan waxaanu yidhi “Qofkii doonaya inuu qaato liisan ee marka hore aheyd inuu soo maro saddex hay’addood oo kala duwan, maanta meel kaliya ayaa leysugu keenay, isla goobtaasi ayaa loogu dhammaynaya oo isaga oo shahaadadiisi gacanta ku sita ayuu kadinka ka baxayaa, online ayuu qofku bari dhaw isku diwaangelin doonaa, dhawaana waxaa aanu ku han weynahay in aanu gaadhsiino gobolada dalka oo dhan”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply