WEEDHA WARGEYSKA Xisbiga Waddani Ma Hayo Jidka Axsaabta Mucaaridka

0
644

Waxa arrin caadi ah in Xisbiga talada dalka haya iyo kuwa mucaaridku isku khilaafaan arrimo ku xidhiidhsan xagga siyaasadda, taas oo marar qaar keeni karta in laysku mari waayo qodobada qaarkood oo ah kuwa lagama maarmaan u ah geeddi socodka siyaasadeed ee dalka, sidaa awgeedna ay waajib ku tahay Xisbiyada Qaranka (Muxaafid iyo mucaarid) inay dhexdooda ka xalliyaan jidka ay doonaan ha u mareene.

Somaliland waxa ay kusoo caano-macaashay oo ay kaga hormartay qeyrkeed, waa isku tanaasulka oo kow ka ah waxyaabaha lagu majeerto dadkeena madax iyo shacbiba, waxana ka mid ahaa oo aan ka xuseynaa go’aankii adkaa ee uu qaatay Xisbiga KULMIYE waqtigii tartanka doorashada Madaxtooyada ee 2003-dii ee la shaaciyey inuu Xisbigii UDUB ka guuleystay 80-ka cod musharraxii Xisbiga Kulmiye oo ahaa Mudane Axmad Maxamuud Siilaanyo oo muran iyo buuq badan kadib ku dhawaaqay inay Xisbi ahaan ay aqbaleen natiijada Komishankii Qaranka ee doorashooyinku soo saareen.

Tallaabadaasi waxay ahayd mid lagu diiwaangeliyey diiwaannada taariikhaha doorashooyinka ee dunida, waayo way adag tahay in Xisbi saacado u dabbaaldegayey guushiisa oo haddana isla saacadihii dhexdooda si rasmiya loogu sheego in 80 cod lagaga guuleystay uu aqbalo. Haseyeeshee waxa uu Xisbiga Kulmiye xilligaa u qaatay qaraarkii qadhaadhaa, kadib markay soo wajahday xaalad ahayd laba darran mid dooro oo kala ahayd burburka jiritaanka Qaranimada iyo aqbalaadda guuldarro calaamatu su’aal saarneyd, waxayna hoggaanka Xisbiga oo uu Guddoomiye ka ahaa Mudane Siilaanyo oo halgamayaashii u badnaa wax kale oo dhan ka doorbideen badbaadada Qaranimada iyo wada jirka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo ka dhigtay XISBIGA KULMIYE mid uu ku hantay taageerayaal badan oo ka soo kala jeeda gobollada dalka oo hore quluubtoodu uga soo horjeeday.

Waxa mudan in la xuso qaabkii ay ku soo xidhantay doorashadii ugu dembeysay ee ka qabsoontay dalka 2017kii ee Madaxtooyada, kadib markay Komishanka Qaranka ee doorashooyinku ku dhawaaqeen in Xisbiga Kulmiye ka guuleystay labadii Xisbi ee tartanku dhexmaray oo kala ahaa UCID iyo WADDANI, isagoo kii ugu soo dhawaa oo ahaa Xisbiga Waddani ka guuleystay Sideetan kun oo cod. [80,000 cod]

Natiijadii lagu dhawaaqay, waxa si aan warwareeg iyo calool xumo lahayn markiiba u aqbalay Xisbiga UCID, waxase diidmo iyo muran aan sal lahayn markiiba kala horyimid qaraarkii Komishanka doorashooyinka Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo u cuskaday diidmadiisa in dib loogu tiriyo sanaadiiqdii doorashooyinka ee magaalooyinka qaarkood sida Gabiley iyo degmooyinka ka tirsan Gobolka M/jeex.

Inkasta oo dalabka Guddoomiye Cirro ahaa mid baalmarsan shuruucda doorashooyinka, maadaama goob kasta oo doorasho ay si wada jir ah usoo wada saxeexeen Wakiillada saddexda Xisbi, haddana si loo soo afjaro murankii Cirro, sidii uu doonayey ayaa loo yeelay, kamana soo bixin wax ka duwan natiijooyinkii hore loo shaaciyey. Intaa wixii ka dembeeyey halkii laga sugayey Guddoomiye Cirro ku dhawaaqista aqbalaadda natiijadii ka soo baxday doorashada ee ahayd in lagaga badiyey Sideetan kun oo cod, balse haddana waxa kasoo yeedhay xujooyin kale oo aan sharci iyo caqli gal toona ahayn.

Xubno ka mid ahaa kuwa dareenkoodu fayaw yahay ee ka tirsanaa hoggaanka Xisbigiisa oo ku cadaadiyey aqbalaadda natiijada, cadaadisyo kale oo kaga yimid meelo kala duwan sida, hormoodka bulshada reer Somaliland iyo xubnihii bulshada caalamka ka socday ee goob-joogayaasha ka ahaa qaabkii ay u dhacday doorashada oo iyana ku dhawaaqay inay u dhacday si aan wax isdaba-marin lahayn iyo arrimo kale dartood, ayaa kadib markii wax qiil ah loo waayey sheegashadiisii uu Guddoomiye Cirro si jilicsan u aqbalay natiijadii doorashada.

Meel wax lagaga soo shubo la garan maayee, Intaas kuma joogsan Guddoomiye Cirro ee waxa uu bilaabay inuu kharash badan ku bixiyo sameynta cajlad lagu duubay waxyaabo ka fog runta oo aan habayaraatee ku saleysneyn xaqiiqo dhaba oo la taaban karo, hase ahaatee uu ugu talo galay kaliya hal ujeeddo oo ahayd inuu qas iyo fidno ka dhex qarxiyo bulshada dhexdeeda. Isku daygaa oo ahaa kiisii labaad isna wuu ka fashilmay kadib markuu cajaladdaa daawashadeeda kusoo bandhigay shir uu qabanqaabadiisa lahaa oo beeshiisa ah oo ka dhacay buurta gacan-libaax 2018kii, haseyeeshee ay waxgaradkii halkaa isugu yimid ka hoos qaadi waayeen wixii uu soo walwalaaqday, sidaana ku fashiliyeen shirqoolkiisii.

Arrinta kale ee ku xigtay waa tan hadda taagan ee ah in la qabto Dec 2019ka doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo Degaannada ee muddo dhaafka ah, waxanu Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo halkii Eng. Feysal’e uu markiiba u cararay xagga dibedda, dabadeedna waxa uu la soo guryo noqday arrin aan sharci ahayn oo ahayd, in la kala diro xubnaha Komishanka Qaranka ee doorashooyinka iyadoo sidoo kalena uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal C. Waraabe isna soo jeediyey qodob uu hore usoo bandhigay oo ahaa in laba xubnood lagu daro tirada xubnihii hore ee Komishanka, taasoo uu Cirro-na u ayiday sababo isaga u gaara.

Soo jeedinaha labada ah oo xilligan aan waafaqsaneyn shuruucda komishanka doorashooyinka lagu dhisay darteed, ayaa muddo laysku mari la’aa, haseahaatee si loo soo afjaro marmarsiiyaha aan sharciga ahayn ee Xisbiga Waddani awgeed, ayuu Xisbul-xaakinka Kulmiye aqbalay soo jeedimihii labada ahaa ee Guddoomiyayaasha labada Xisbi mucaarid ee kala ahaa, in la kala diro Komishanka hadda jooga intaan la gaadhin doorashada Wakiillada iyo Dawladaha hoose iyo ku kordhinta Komishanka laba xubnood oo ka dheeraad ah tirada xubnihii hore ee Toddobada ahaa.

Illaa imika Xisbiga Waddani oo xadhig kasta oo uu qabsado loo sii daayey, si doorashadaasi oo muhiim u ah Qaranka u qabsoonto, ayaa haddana la soo taagan xujooyin kale oo ujeeddadoodu tahay fashilanta qabsoomidda doorashadaasi, waxayna labada Xisbi Qaran ee kale ku jahawareereen ujeeddada iyo jahada kale ee uu u dooyeystay Guddoomiye Cirro, inkasta oo nidaamka dimoqraadiyadda uu tiirka aaasaaska u ahi yahay in la raaco dhinaca uu codku u bato,[ Majority rules Minority ] haddana kaadi badani waa loo gogol badiyaaye BAL COD DHEER HA UGU SHEEGO SHACBIGA REER SOMALILAND XUJADIISA KAMA DEMBEYSTA EE AAN WAXYEELO KU AHAYN NIDAAMKA QARANKA, HADDII KALE HALLA FASAXO AMISOM HAKA SOO DEJIYO MADAARKA GACAN-LIBAAX EE UU HORE UGU SHEEGAY GUDDOMIYE FEYSAL.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply