Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan Afuro Iyo Casho Sharaf Ah U Sameeyey Culaamu’diinta Reer Somaliland Oo Isaga Yimid Gobolada Dalka+Sawiro.

0
850

Hargeysa(Dawan)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan Afur iyo casho isugu jira xalay u sameeyey culimada waaweyn ee reer Somaliland kuwaas oo isaga kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka.

Kulankan uu madaxweynuhu u sameeyey culimada waaweyn ee dalka oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana ujeeddadiisu ahayd sidii ay culimada dalka iyo madaxweynuhu isu xog-waraysan lahaayeen, ayaa waxa ka qayb-galay hormuudka culimaa’udiinka reer Somaliland, shirguddoonka golaha wakiillada, hoggaanka xisbiyada UCID iyo KULMIYE iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, waxana si furan la isugu weydaarsaday waanooyin iyo hogo-tusaalayn la xidhiidha sidii xukuumadda iyo culimadu u wada-shaqayn lahaayeen.

Xubno kamid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, Sheekh Cabdirisaaq Albaani iyo culimo kale oo kulanka hadallo ka jeedisay, ayaa si weyn u ammaanay wada-shaqaynta iyo isku-xidhnaanta u dhaxaysa xukuumadda iyo culimada, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in kulamada noocan oo kale ahi ay xoojinayaan isku-duubnida iyo wada-tashiga qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sheekhul beledka gobolka Awdal, Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar oo hadal dhinacyo badan taabanaya oo waano, waxsheeg iyo wacdi isugu jira kulanka ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday qiimaha nabadda iyo wada-jirka bulshadu leeyahay, waxana uu axsaabta qaranka ku waaniyey inaan la dhaawicin ammaanka iyo isku-duubnida shacabka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Axsaabtu tartankooda ha tartamaan, laakiin dawladnimada yaanay wax yeelin oo yeynaan qalin-daarin, qofkuna isaga oo ra’yigiisa wanaaggiisa u cabbiraya, haddana ka ilaashado nidaamka dawliga ah, waxana ay ahayd waxyaabaha aynnu Koonfur kaga duwanayn, waxannu isku ognahay nabadgelyada inaynu ilaashanno, dalkeenna waxaynu ku joognaa oo aynnu ku dhisannahay waa nabadgelyo, adduunkuna wuxuu inagu ammaanaa nabadgelyada aynnu haysanno.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna culimada ugu baaqay inay xukuumadda kala shaqeeyaan kor-u-qaadista wacyiga bulshada, kana qayb-qaataan hirgelinta iyo dhaqangelinta wax kasta oo ay shacabka faa’iido ugu jirto.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo hadal ka jeediyey kulanka uu madaxweynuhu u sameeyey culimada, ayaa ku dheeraaday doorka ay culimadu ku leeyihiin wacyigelinta bulshada iyo kor u qaadista Diinta Islaamka, waxana uu yidhi, “Culimadu kaalin weyn ayey kaga jirtaa wacyigelinta bulshada iyo ilaalinta anshaxa guud iyo dawladnimada, iyaga oo u xilsaaran barista ubadkeenna, diinta Islaamka iyo guud ahaanba bulshadeenna iyaga oo u xilsaaran barista ubadkeena Diinta Islaamka iyo guud ahaanba bulshadeena inay ku barbaariyaan Diinta kuna wacyigeliyaan, waxana hawsha ugu ballaadhani tahay inay iskeen garab taagaan maalinta ay dhibaato timaaddo.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulanka soo gunaanaday, ayaa, ayaa culimada ka codsaday Inay kala shaqeeyaan adkaynta nabadda, ka hortagga fidnooyinka, islamarkaana uu madaxweyne ahaan diyaar u yahay inuu si dhegaha u raariciyo talooyinka ay iyo wanooyinka ay culimadu soo jeediyaan oo ay ugu horrayso dabbaqidda Diinta Islaamku, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan dhigay halkii ay culimada waaweyni dhigeen, dardaarankiinniina waannu qaadannay oo ay kow ka tahay in Diinta loo gargaaro oo wixii la qabanayoba dhinaca Diinta laga bilaabo oo Diinta la taageero oo ay ku xigto in nabadda iyo amniga dalka si wada-jir ah loo ilaaliyo, ciddii khalkhal gelinaysa dalka xilkasta oo ay haysana in gacan bir ah lagu qabto.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahaado-sharafyo guddoonsiiyey guddi culimo ah oo soo afmeeray diyaarinta iyo isku-dubba-ridka manhaj midaysan oo yeelan doonaan maddarasadaha kala duwan ee ka jira Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq.

Image may contain: 4 people, people sitting and tableImage may contain: 2 peopleImage may contain: one or more people, crowd and weddingImage may contain: 6 people, people smiling, people standingImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: outdoorImage may contain: car, tree and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, car, tree and outdoorImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, wedding, child and outdoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standing, flower and outdoorImage may contain: 4 people, people smiling, people sittingImage may contain: 8 people, people smiling, people sitting, table and indoorImage may contain: 8 people, people smiling, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting, wedding, table and indoorImage may contain: 4 people, people sitting, table and outdoorImage may contain: 1 person, weddingImage may contain: 5 people, people smiling, people sittingImage may contain: 6 people, people sitting, wedding, table and outdoorImage may contain: 4 people, people smiling, wedding and outdoorImage may contain: 3 people, weddingImage may contain: 1 person, beard and hatImage may contain: 3 people, people sitting and tableImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 1 person, beardImage may contain: 7 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 6 people, people sitting, table, food and outdoorImage may contain: 6 people, people sitting, table, wedding and foodImage may contain: 8 people, weddingImage may contain: 6 people, people sitting and tableImage may contain: 1 person, eyeglassesImage may contain: 5 people, wedding, table and indoorImage may contain: 7 people, people smiling, weddingImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 6 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, textImage may contain: 2 people, textImage may contain: 1 person, textImage may contain: 4 people, beardImage may contain: 1 person, smilingImage may contain: 5 people, wedding and tableImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, beard and textImage may contain: 1 person, beardImage may contain: 1 person, smiling, wedding and outdoorImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: one or more people and people standingImage may contain: 3 people, people smiling, people standing, beard and textImage may contain: 1 person, standing, beard and text

 

Leave a Reply