Wasiirradda Gaadiidka Iyo Warfaafinta Somaliland oo Soo Gaba Gabeeyey Xuska Toddobaadka Badbaadada Waddooyinka

0
508

Hargeysa (Dawan):-Xuska toddobaadka badbaadada waddooyinka ee Qarammada Midoobay, ayaa si rasmi ah loogu soo gunaanaday Caasimadda Hargeysa , kaasoo socday intii u dhexaysay 6 ilaa 12 May 2019.

Xafladda lagu soo gunaanaday xuska toddobaadka badbaadada waddooyinka waxa ka qaybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Somaliland oo ay wehelinayeen masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Taliye-ku-xigeenka Booliska Somaliland, Iskaashatooyinka gaadiidlayda kala duwan ee ka hawlaga dalka,

cuqaal, madax-dhaqameed, Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland iyo saraakiil kale oo ka socday hay’adaha dowliga ah.

“Runtii intii ay jirtay Wasaaraddu waxa aannu isku daynay dhawr tallaabo oo aannu hore u qaadnay sidii loo dhimi lahaa shilalka gaadiidka. Tallaabada koowaad waxa ay ahayd in la adkeeyey nidaamka loo qaato liisanka, sababtoo ah liisanku waa aqoontii koowaad. Wasaaraddu waxay sare u qaaday oo ay qortay buugga barashada waddista gaadiidka, buuggaas oo ka kooban 13 cutub oo ay ku jiraan waxa loo yaqaan bad-qabka (safety), calaamadaha waddo-marista iyo taxadirka intaba. Waxa kaloo ay Wasaaraddu muddo saddex bilood gudahood ah haddii ILLAAHAY yidhaahdo ay ku hirgelin doontaa wixii la odhan jiray bad-qabka gaadiidka,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Abokor.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar-sayid) oo halkaas ka hadlay, ayaa in muddada lagu jiray xuskan wax badan laga qabtay gobollada waaweyn ee dalka, waxaannu yidhi; “Toddobaadka badbaadada waddooyinka oo ay Qarammada Midoobay u astaysay oo aannu toddobaadkan oo dhan ka shaqaynaynay lixda gobol ee waaweyn ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo waxyaabo badan oo kala duwan laga qabtay oo ay ugu weynayd dadka bilaa liisanka iska wata gaadiidka oo aannu tallaabooyin ka qaadnay.”

wasiirka wasaaradda warfaafinta mudane Maxamed Muuse Diiriye oo si aad ah uga hadlay dhibaatooyinka ay leeyihiin shilalka Gaadiidka iyo halista dadka ay ku hayaan ayaa sheegay in baabuurtii ay u gacan gashay carruur yar yar oo aan qaadi karin masuuliyadda gaadhigu uga baahan yahay dirawalka wada,waxaanu yidhi. “Waxaad mooda imika caruurtii oo 12 iyo 13 jir in ay gaadhigiii ku fuulayaan waxaad arkeysaa gaadiidka inta badan shilalka galla waxaa ay u badan yihiin kuwa caruurta qaada sida ay u socdaan waxaad mooda inay jay soo daadinayaan waana ubaxeeni waxaa ay sidaan, runtiina dhagaxba dhagax ayaynu saareynay oo kolba meel ayaynu soo gaadhsiineynay hase ahaate tani waa ay innaga dib dhacday Cabdillaahi aad iyo aad ayaanu ugu boorinayaa inuu barnaamijyadan dhiirigaliyo”

Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Liibaan (Fooxle) oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay si fiican ula shaqeeyeen Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, isla markaana la qabtay dad badan oo sifo sharci-darro ah gaadiid ku kaxaystay, waxaanu yidhi; “Ciidanka Booliska, gaar ahaan Ciidanka Taraafigu hawlgal ballaadhan ayuu la galay Wasaaradda oo waxa la qabtay dad badan oo waraaqo ha noqoto ama liisanka gaadiid ha noqotee, waxaana la qabtay oo la xidhay dad tiradoodu gaadhayso ilaa 500 (shan boqol) oo isugu jira wax la ganaaxo iyo wax sharciga la horgeeyo.”

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Faysal Xiis oo sheegay in nolosha dadka bani’aadamka ah ay tahay arrin qaali ah oo ay waajib tahay in la wada ilaaliyo, isagoo uga digay dirawaliinta gaadiidka xawaaraha sare ee ay ku kaxeeyaan baabuurta ee inta badan sababta u ah shilalka sababa khasaaraha kala duwan, waxaanu

iftiimiyey inay tallaabooyin adag qaadayaan si loo hubiyo in darawaliinta gaadiidku ay fuliyeen dhammaanba shuruucda looga baahan yahay waddo-marista.

“Nolosha bani’aadamku waa qaali, laakiin Somaliland qaali kuma aha, sababtoo ah nin dirawal ah ayaa baabuur iska kaxaysanaya, liisan ma laha oo buug ma laha, waana laga kiraynayaa haddii uu doono, kadib dad ayuu laynayaa oo marka uu dadka laayana waxa la leeyahay uun tolkayga iyo dadkayga ayaa iga bixinaya, iyadoo aanu wax caymis ah ku jirin, laakiin haddii uu ogyahay in la xidhayo oo xabsiga la gaynayo, lana xukumayo oo dambigii ciqaabta ahaa ee uu galay lagu qaadayo, waxa aan filayaa kuwa kale ayaa wax ku qaadan lahaa.” Sidaa waxa yidhi Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo isna madashaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in dirawal-xumadu qayb weyn ka tahay shilalka gaadiidka ee ka dhaca gudaha dalka Somaliland, halka sidoo kale ay xuseen in gaadiidka dhinaca khaldan isteerinku kaga yaal ay iyaguna dhibka qayb ka yihiin, iyadoo Wasiir-ku-xigeenka Daakhiligu caddeeyey in la soo saarayo sharci mamnuucaya in gaadiidka isteerinku dhinaca khaldan kaga yaal aanay u kala safri doonin gobollada iyo magaalooyinka dalka, wax rakaab ahna qaadi doonin.

Saraakiil ka socday Shirkadda caymiska ee Takaaful, shirkadda HORN of Afrika iyo masuuliyiin kale oo isaguna munaasibadda ka hadlay ayaa tilmaamay in shilalka gaadiidku si xooggan u sii bateen, sidaa darteedna loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa, loona yarayn lahaa shilalka gaadiidka.

Leave a Reply