Madaxweynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyadda Somaliland Ku Qaabilay Guddoomiyaha Shirkadda GULHAN LTD. DEARSAN.Co +Sawiro.

0
661

Hargeysa(Dawan)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay shirkada GULHAN LTD. DEARSAN.Co, oo laga leeyahay dalka Turkiga oo uu hoggaaminayey gudoomiyaha shirkadaasi Mr. Aziz Yildirim oo maanta safar shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Masuuliyiinta Shirkadan Turkiga ah ee madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa ujeedada ay u yimaadeen Somaliland ay tahay in ay danaynayaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen mashaariicda maalgashi ee ka hirgelay Somaliland, gaar ahaan maalgelinta, kalluunka, macdanta, wershedaha, beeraha iyo tayaynta wadooyinka waxayna sheegeen inay ku qanceen dadaalka iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland samaysay iyo maalgashiyada waaweyn ee waayadan danbe ka hanaqaaday dalka.

Iyagoo taa ka duulayana ay doorbideen inay dalka Somaliland ka fuliyaan maalgashi, isla markaana tusaale u noqdaan shirkadaha iyo maalgashadayaasha waddanka Turkiga si ay qayb uga noqdaan maalgashiga dihin ee Jamhuuryadda Somaliland ku duugan.

Sidoo kale wasiirrada wasaaradaha, Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska, macdanta iyo tamarta, gaadiidka iyo horumarinta jidadka, horumarinta maalgashiga, horumarinta beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, ayaa kulanka ku soo bandhigay qorsheyaasha maalgashi iyo siday diyaarka ugu yihiin inay ka faa’iideeyeen fursadaha noocan oo kale ah.

Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey masuuliyiinta shirkadaas imaatinkooda Somaliland iyo inay xogogaal u noqdaan horumarka ganacsi iyo dhaqaale ee ka jira waddanka, isagoo xusay in ay xukuumadda iyo shacbigaba ka go’an tahay soo dhawaynta cidkasta oo khayraadka dihin ee dalka ku duugan maalgashi ku samaynaysa.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Image may contain: 1 person, standing and suitImage may contain: 4 people, people sitting, table, indoor and outdoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 3 people, people sitting, table, outdoor and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and suitImage may contain: 5 people, people standing and suitImage may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: 2 people, people standingImage may contain: 5 people, people smiling, people standingImage may contain: 3 people, people standing and suitImage may contain: 4 people, people sitting and suit

Leave a Reply