Qalab Casriya oo Lagu Xoojinayo Wax Soo Saarka Beeraha oo Xukuumaddu Keentay

0
566

Hargaysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay keentay qalab casriya oo lagu xoojinayo wax soo saarka beeraha dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Beeraha Axmed Cali Maax oo shalay u waramayay qaar ka mida warbaahinta Ayaa waxa uu sheegay in wasaarada Beeraha u qaabilsantahay qaranka sidii ay u horumarin la hayd wax soo saarka beeraha dalka. waxaana uu intaasi ku daray in wasaarada Beeraha soo gaadheen qalab isku simaya ciida beeraha.

Axmed Cali Maax oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu ydhi“Wasaarada Beeraha waxa ay qaranka u qaabilsantahay In ay horumariso wax soo saarka Beeraha Muddo badan ayaanu ka hadalnay in nidaamka wax loo beerayaa yahay nidaamkii boqol sanno horteed wax loo Beerijiray oo ah siidhkan la saydhayo,taasina ay keento in siidhka badhna shinbiruhu cunaan badhna cagaftu ku joogsato waxaana wasaarada soo gaadhay qalabka wax beerista oo la yidhaado siidhin mishiin oo lagu beero Qamadida waxa kale oo aanu keenay qalab isku simaya ciida,”.

Axmed Cali Maax oo hadal kiisa sii wataa waxa uu yidhi“Maanta shalay waxa aanu Wajaale ka bilownay beerista hadhuudhka waayo xiligii arabakhida la beeri jiray waala dhaafay oo wakhti kooban ayay ku baxdaa iyadu,waxaana imika la sameeyay faraha laga qaaday sagaal dhaam waxaana aanu uga jeednaa in biyo qabatin la helo iyo sidii loogu jabin lahaa dhulkan wax lagu beerayo.sarfan ayaanu samaynay oo aanu soo nabdhigi doono sida loogu faafin doono dhulka ku haboon beeraha,Beer oo ka tirsan gobalka togdheer waxa aanu ka samaynay saddex kanaal oo loogu talo galay in ay biyaha siiyaan dhulka ku haboon wax soo saarka Beeraha,”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply