Somaliland oo Joojisay Shidaalka ka Yimaada Dalalka Jaarka ah

0
570

Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland, ayaa joojisay isla markaana amar adag ka soo saartay dhammaan shidaalka dalka ka soo gali jiray xuduudaha dalalka deriska la ah Somaliland si loo illaaliyo bad qabka shidaalka dalka soo gelaya iyo ilaalinta tayadiisa..

Aagaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Mustafe Cali Bille Godane, oo shalay xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in badqabka shidaalka dalka soo gelayaa in uu yahay arrin aad ugu weyn xukuumadda oo ay xil gaar ah iska saarayso isla markaana laabkii shidaalka lagu baadhayay uu yaallo Berbera oo halkaa lagu hubiyo shidaalka dalka soo gelaya laguna shubayo haamaha kaydka shidaalka Berbera.

Waxaanu intaa raaciyay in la joojiyay dhammaan shidaalkii dalka ka soo gali jiray dhammaan xuduudaha dalka.

Waxaanu ganacsatada shidaalka soo dejisa faray agaasimaha guud in ay u haggaamsamaan amarka xukuumadda ee laga soo saaray shidaalka dalka ka soo gali jiray xuduudaha oo gabi ahaanba la joojiyay.

Agaasimaha guud oo shalay xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta, ayaa yidhi. “waxaanu halkan ogaysiin ka siinaynaa dhammaan ganacsatada shidaalka ka ganacsada ogaysiintaas oo ah in aanu shirkadaha ogaysiino in la joojiyay shidaalki ka imanayay wadamada jaarka ee dalka ka soo gelayay xuduudaha, sababta loo joojiyayna waxay tahay in aan shidaalkaa la hubin badqabkiisa maadaama laabkii shidaalku uu ku yaallo Berbera loona baahnayn in shidaalka haamaha ku jira in uu khal khal ku yimaado. iyadoo aan la ogayn shidaalkaa xuduudaha ka soo gelaya dalka silfarta ku jirta.”

Agaasimaha guud waxaa kale oo uu intaa raaciyay in Haamaha kaydka shidaalka ee Berbera in ay yihiin arrin qaran oo u baahan illaalinteeda. waxanu digniin u diray dhammaan shirkadaha shidaalka ka ganacsada ee u hoggaansami waaya amarka joojinta shidaalka dalka ka soo gali jiray xuduudaha ee la joojiyay, waxaanu caddeeyay in tallaabo laga qaadi doono shirkadda u hoggaansami wayda ee jabisa amarka joojinta shidaalka ka soo gala dalka xuduudaha dalalka deriska ah.

Waxaanu yidhi agaasimaha guud oo arrimahaa ka hadlayaana. “waxaa la farayaa dhammaan shirkadaha shidaalka ka ganacsadaa in ay u hoggaansamaan amarka shidaalka dalka ka soo gala xuduudaha lagu joojiyay shirkadda u hoggaansami wayday ee shidaal dalka ka soo gelisa xuduudahana waa lagala wareeji doonaa waxaana laga qaadi doonaa tallaabada sharci ee ku habboon, midda kale Haamaha kaydka shidaalka ee Berbera waa arrin qaran in badqabkooga la illaaliyaana waa waajib qaran.”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga,wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply