Xukuumada iyo Baanka Dhexe Oo Qorsheynaya Is Waafajinta Qiimaha Dollarka Lagu Sarrifo iyo Qiimaha ay Ganacsadu Wax Ku Iibiyaan

0
44

Hargeysa (Dawan): Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqday ganacsatadda dalka in aanay wax ku iibinin mid aan ahayn qiimaha uu baanka dhexe u gooyay sarifka lacagta dollarka, iyadoo ganacsatadda qaarkood ay wax ku iibiyaan qiime ay iyagu goosteen.

Qiimaha sarrifka dollarka ayaa laba bilood ka hor boqolka (100) dollar waxaa lagu bedelayay ku dhawaad 1 Milyan oo shillinka Somaliland ah, inkasta oo labadii bilood ee u danbeeyay uu qiimahaas hoos ugu soo dhacay. Halka imika boqolka dollar lagu bedelo 840,000 (siddeed boqol iyo afartan kun oo shilling).

Hase yeeshee, arrinta sida aadka ah ay bulshadu isu waydiinayso ayaa ah maadaama oo qiimaha sarifka dollarku jabay in hadana weli maceeshadda quutal-daruuriga ah ayaa sideedii hore ah.

Taasina waxay keentay in baanka dhexe ee Somaliland oo kaashanaya wasaarradaha ay arrintaasi khusayso in ay ka fikiraan sidii la isku waafanjin lahaa qiimaha maciishadda lagu iibiyo iyo sarifka lacagta dollarka.

Si dhibaatadaas bulshadda danyarta ah sida gaarka ah u taabatay wax looga qabto, ayaa shalay guddiga joogtadda ah ee golaha Guurtidda Somaliland waxay u yeedheen oo hor yimid wasiirradda wasaarradaha ganacsiga, wasiirka arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha baanka dhexe.

Waxaanay kulankaasi xildhibaanadda Guurtidu masuuliyiintaasi kaga dhegaysteen macluumaad iyo xog la xidhiidha sidii la isku waafajin lahaa sarifka lacagaha iyo qiimaha maceeshadda daruuriga ah.

Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), oo ka warbixinayay qorshaha ay doonayaan in arrintaasi lagu waajaho, waxa uu yidhi “Waxaanu doonaynaa in aanu xogta ururrino, ganacsatada sida xalaasha ah wax uga iibinaysa shacabka, waxaanu u tagaynaa culimada waaweyn ee dalka.

Waxaanu waydiinaynaa waxay shareecadu ka qabto ninkaa wax ku iibinaya tobanka kun (halka dollar) iyo ka wax ku iibinaya 8400 shilin (halka dollar) kaas oo ah qiimaha baanku u gooyay, ayaanu waydiinaynaa waxay diintu ka qabto, si dadku u ogaadaan sharciyan ama diiniyan.

Wasaaradda diinta iyo awqaafta oo aanu arrintaa ka codsanayna waxaanu filaynaa inuu illaa berri (maanta) gelayo. Qiimaha sarrifka 100-ka dollar ayaa laba bilood ka hor ahaa lacag ka badan 1 Milyan dollar, balse labadii bilood ee u dambeeyay ayuu hoos ugu soo dhacay, iyadoo halka dollar hadda yahay 840,000 kun.

Laakiin, maceeshadda ayaa sideedii hore ah, taasina waxay keentay in baanku ka fikiro sidii la isku waafanjin lahaa”.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa shaaca ka qaaday in shiidaalka dalka la keenaa aanu ahayn mid wanaagsan, sidaas darteedna iyadoo bulshadda laga bad-baadinayo dhibaato ka soo gaadha shiidaalkaas xun in ka xukuumad ahaan ay go’aansadeen in ay shiidaal keenaan.

“Markii la garan waayay shiidaalka dalka meel laga keeno, anaga (xukuumadda) ayaa shiidaal keenayna. Shiidaalka wadanka la keenaa, waa shiidaal hawo ku jirto (Oxygenated Fuel), noocyo badan oo wadanka aan dan u aheyn ayaa la keenay, anagu-na (xukuumadda) xoolo ma hayno.

Laakiin, waxaa aanu ku dadaaleynaa in si uun aanu u keeno shiidaal. Waxaananu keenaynaa mid la mida ka dalalka inala jaarka ahi ummadooda ay u keenaan. Suuqa ku iibin mayno, ee caadi ayaanu dadka uga iibin doonaa.

In aad wax danaynaysaan oo aad masuuliyiinta u yeedhaysaan, waanu aragnaa ee mararka qaarkood ha nagu qaloocininna”.

Geesta kale wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, oo isna guddiga joogtadda Guurtidda hawlaha cashuuraha sharaxaad ka siinayay ayaa ku eedeeyay ganacsatada waa weyn in aanay bixinin cashuurta ku waajibtay.

Balse mushaharka ciidammada iyo dhakhaatiirta dalka lagu bixiyo cashuurta laga qaado ganacsatada yaryar. “Guurtidii haddii aad tihiin waa in aad wasiirka maaliyadda u tagtaan xogta-na ka qaadataan. Gudoomiyaha baanka-na u tagtaan oo xogta uu idin siiyo. Wasiirka ganacsiga-na aad u tagtaan oo xogta uu idin siiyo.

Wasiirka ganacsigu-na isaguna isagoo la tashanaya wasaaradda maaliyada iyo gudoomiyaha baanka inuu ganacsatadda isugu yeedho, labada gole-na arrintaasi qayb libaax ka qaataan, culimadda loo yeedho arrinta-na loo bandhigo. Culimadeenu waa inay sheegtaa in xaaran wax lagu iibinayo” ayuu yidhi wasiirka daakhiligu.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Xildhibaano, waxaynu u baahan-nahay in qaranka loo hiiliyo, oo danyarta loo hiiliyo. idinku shaqaale qaran baad tihiin, anagu-na shaqaale qaran baanu nahay, tujaartu cashuurta ma bixiyaan, ee danyartaa bixisa.

Ilaa askarigee-na, ilaa umulisada, waxaa bixisa hooyadda danyarta ah ee khudradda suuqa la fadhida. Miyaa la inaga doonayaa in aynu qaranka sidaasi ku hogaamino? oo ninkii lacagta lahaa laga baqo. Ganacstadda weynu u shaqaynaa, oo amnigooda ayaynu ka shaqaynaa

Ganacsatadu ciidan malaha, ee inaga ayaa u ciidana, aynu badhadaha u sifaysano in sicir bararka inta hadhay aynu kaga takhalusno, dadkeenana aynu fahamsiino nidaamka cashuuraha. Cashuurta-na cabsi dawladeed ayaa lagu bixiyaa”.

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here