Guddida Doorashooyinka Somaliland oo u Jawaabay Dawlada Soomaaliya

0
472

Hargeysa (Dawan)- Caaqil Dr. Cabdiqaadir Maxamed Saleebaan (Caaqil Cabdiqaadir Sanwayne) oo kamid ah madaxdhaqameedka dalka, ayaa bulshada reer Somaliland ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay ugu dabbaal dageen maalinta qarannimada Somaliland oo guud ahaan dalka oo dhan laga xusay, waxaanu sheegay caaqilku in munaasibadda 18 May ee sannadkan dalka oo dhan laga wada xusay.

Waxaa kale oo uu caaqilku u soo jeediyay xisbiyada qaranka in maalinta qaran aanay ka dhigin maalin ay ku kalamaqnaadaan, ama ay dadka kala qaybiyaan.

Caaqil Sanwayne oo qoraal uu kaga hadlayo sannad guurada 18 May ee sannadkan soo gaadhsiiyay wargeyska Dawan, ayaa u dhignayd sidan.

“18 May waa maalin qaran oo ay wada leeyihiin dhammaan bulsho waynta reer Somaliland, isla markaana ay ku wada midaysan yihiin oo aanay u kala qaybsanayn difaaceeda iyo wada illaalinteedaba, taana waxaa kuu caddaynaysa sidii la isugu raacay maalintii Burco lagaga dhawaaqay  ee ay u wada guddoon sadeen dhammaan madaxdhaqameedka beelaha Somaliland, sidii ayaa maaantana loogu wada midaysan yahay, waxaana taa kuu caddaynaysa sid looga wada xusay Lawyacaddo illaa Laasqoray oo lagu qabtay xuska sannad guurada maalinta qaran ee Somaliland, iyada oo ay waliba Raamadaan tahay, waxaa jira dad war xumo tashiil ah oo yidhaahda 18 May cid gaar ah ayaa leh, hadday cid gaar ahi leedahay maxaa looga wada debbaal degay Lawyacaddo illaa Laasqoray ee cid gaar ahi ay xus gaara  ugu qabsan wayday guryahooda.

18 May waa maalinteenii, waa maalintaan aayaheena ka tashanay, waanan wada difaacanaynaa, bulshdaba waxaan ku waaninayaa in ay ka koraan hadalka siyaasiga ah ee ay syaasiyiintu isku durayaan oo ay ogaadaan in maalinta qaran, innaga ayaa wada leh wada illaashanayna, xisbyadana waxaan leeyahay maalintan oo kale waxaan idiinka fadhinaa idinka oo dareenka shacabka ka turjimaya oo midaysan in aanu idin wada aragno idinka oo wada jooga oo aan u kala maqnayn.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply