WEEDHA WARGEYSKA Ummad Sharcigaa Kala Haga

0
453

Gobolka Bariga Dhexe waxa waqtigan la joogo lagu tilmaamaa mid ay ka dhaceen kana jiraan dagaallo, xasarado iyo qalalaase siyaasadeed, waxanu qarka u saaran yahay in ay isku hirdiyaan quwadaha dunida ugu itaalka roon leh, waxayna ka aloosmeen colaadahani loollan siyaasadeed oo guun ah oo u dhexeeya isbahaysiyo kala raacsan dalalka Sacuudiga iyo Iiraan, kuwaas oo guud ahaan Mandaqadda dab geliyey.

Isbahaysiyadaa ay kala hoggaamiyaan dalalka Sucuudiga iyo Iiraan waxa sidoo kale uu mid kastaaba xidhiidh dhaw oo iskaashi oo dhinacyo badan la leeyahay dalalka quwadaha waaweyn oo ah Ruushka oo taageera dalka Iiraan iyo Mareykanka oo hadda ka hor welibigii ka talin jiray Bariga Dhexe, isla markaana ku leh saldhigyo Millateri dalal uu ka mid yahay Sucuudigu.

Loollankaa siyaasadeed ee ka taagan Bariga Dhexe waxa uu saameyn ballaadhan ku yeesheen dhammaan dalalka Gobolka sida Ciraaq, Suuriya, Yeman, Lubnaan iyo Sucuudiga oo toddobaad kii hore dhawr Markab oo uu leeyahay oo ku sugnaa marinka badda Cas lagu dhuftay gantaalo aan weli la xaqiijin cidda duqeysay iyo sidoo kale goob ka mid ah kuwa shidaalka, ayaa Xuutiyiinta oo gacan-saar la leh Iiraan ku duqeeyeen diyaaradaha aan duuliyayaasha lahayn.

Waxa sidoo kale ay Xaaladdan cakirran ee Bariga Dhexe saameyn ku yeelatay dalalka Geeska Afrika siiba kuwa kulaala Gobolka oo ay ka mid yihiin Ereteriya, Jibuuti, Somaliland iyo Somaaliya, iyadoo uu dal walba dhinaca saaray halka uu u arkay in dantiisu ku jirto, sidaa darteed waxa ay Xukuumaddii uu hoggaaminayey Mudane Axmad Siilaanyo oo waqtigaa heshiis dhinaca horumarinta iyo casriyeynta Dekedda la gashay go’aamiyeen, in iyadoo la eego xidhiidhka sokeeye, ganacsi, dhaqan iyo dhaqaale ay Jamhuuriyadda Somaliland taageersan tahay dalka Imaaraadka Carabta oo ka mida isbahaysiga raacsan Boqortooyada dalka Sucuudiga.

Mawqifkaa hore ee ay qaadatay Xukuumaddii Mudane Axmad Siilaanyo, ayaa sida dhaqanka dawladnimo yahay ay sii adkeysay Xukuumadda hadda ee uu hoggaamiyo Mudane Muuse Biixi, sida shuruucda iyo Datuurka Qaranku dhigayana waxa waajib ku ah dhammaan Axsaabta Qaranka iyo hay’adaha kale ee Qaranka inay u hoggaansamaan oo ku daba saftaan dariiqa siyaasadeed ee ay isla qaataan Golayaasha Qaranku, cid kasta oo ka leexataana waxay u badheedhay jebinta qawaaniinta dalka, isla markaana dhabar-jebin ku sameeyey siyaasadda guud ee loo jeexay hagista siyaasadda Qaranka.

Haddaba, waxa uu Guddoomiye Cirro sheegay inaanu jirin wax sharci ah oo u diidaya inuu la kulmo diblomaasiyiinta dalalka loollanka siyaasadeed innaga dhexeeyo sida Safiirka Kiiniya u fadhiya dalka Qadar oon ognahay inuu u adeego siyaasadda Farmaajo ee lidka ku ah jiritaanka Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama uu dalkiisu dhinac walba hoo iyo hiilba la barbar taagan yahay Somaaliya, waa ku waajib Safiir kasta inuu fuliyo siyaasadaha dalkiisa u jeexan oo ay ka mid tahay , in si kasta, sifo kasta iyo fursad kasta oo suurtagala oo lagu qallin-daari karo aminga, siyaasadda iyo horumarka Somaliland uu ku shaqeeyo.

Marka ay sidaa tahay, saw caddaan maaha inuu jiro sharci u diidaya Guddoomiye Cirro inuu qol madow faq kula galo Safiir ka mida kuwa dalka Qadar, maadaama uu maray jid ka duwan ka loo jaheeyey siyaasadda guud ee Qaranka oo ay tahay in aanay Axsaabta Qaranku ka leexan siyaasaddaasi, iyadoo ujeeddada guud ee laga leeyahayna tahay in Qaranka siyaasaddiisu ee Qaran ahaato mid mideysan, si loo gaadho yoolka guud ee loo wada socdo.

Arrintan Guddoomiye Cirro, waxa ka sii horreysay tallaabo kale oo tan la mid ah oo uu ku kacay xubin ka mid ah Guddiga Fulinta ee Xisbiga Waddaniga, kaas oo horraantii bishii Abriil ee 2019ka u socdaalay dalka Qadar, halkaana kulan kula soo qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo Madax kale oo ka mida kuwa dalkaasi, kadib markuu dalka ku soo laabtayna ku warramo waxyaabo aan isqabaneyn oo ay ka mid ahaayeen inuu danaha JSL kala hadlay madaxdii uu la kulmay sida Farmaajo.

Run ahaan tallaabooyinkaa ay qaadeen Madaxda Xisbiga Waddani iyo ta Xildhibaan Dhakool ku kacay ee ku daadifeeyey Jiritaanka maalinta Qaranimada Jamhuuriyadda Somalilnad ee 18ka May, ay yihiin dhammaan kuwa meel ka dhac ku ah Dastuurkeena iyo xeerarka kale ee dalka, sidaa darteedna ay tahay in loo raaco waxa uu inna farayo sharciga dalku, si aan u noqono Ummad uu kala hago sharcigu.

 Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply