Mudane Golaha Wakiiladda ka Tirsan oo ka Hadlay Fursadaha Somaliland ugu Jira Weftiyadda Ku Soo Qul-qulaya

0
491

Hargeysa (Dawan) Xidlhibaan Axmed Ducaale Bulaale oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in wufuudii ka soo qayb galay maalinta Qaran ee 18-ka May ay ahaayeen kuwo siweyn u daneynaya qadiyadda Somaliland.

Sidoo kale waxaa uu xusay in xubno ka mida baarlamaanka dalka Yugaandha oo ay dalka ku soo dhaweeyeen isaga iyo xildhibaano, waxa ugu badan ee ay iswaydiinayeen ay aheyd maxaa Somaliland loo aqoonsan waayay.

Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale waxaa uu sheegay in Somaliland ay noqotay xaqiiqo aan la dafiri karin waxaanu yidhi “Somaliland marka runta la sheego xaqiiqo aan la dafiri karin ayay iska noqotay, maadaama ay sidaasi tahayna beesha caalamku waxaa ay ogaatay in aynu nahay wadan lala macaamili karo oo aad loo soo eegayo, in aynu weftiyo badan dalka keenaana waa mihiim oo aynu diiradda saarno halka jaanis iyo fursadii inoogu jirto, xuskii maalinta Qaranimada Somaliland ee 18-ka May wufuud faro badan ayaa ka soo qayb gashay, oo Afrika u badan iyo wadamada reer galbeedkaba, labada wefti ee midna ka socday Kenya midna Uganda siweyn ayay u daneynayeen Somaliland arrimaheeda, weftiga Uganda halkan xarunta baarlamaanka ayaanu kulan kula yeelanay, laba qodob ayay wareejinayeen midi waxaa uu ahaa sidii ganacsiga, xoolaha iyo beeraha leysu dhaafsan-lahaa aad iyo aad ayay u daneynayeen, qodobka labaadna waxa uu ahaa su’aal ayay is weydiinayeen ahaa maxaa Somaliland loo aqoonsan waayay? warbaahintii caalamka ee Somaliland timidna waxaa ay u sheegeen su’aasha aanu is weydiineyna waxaa ay tahay maxaa Somaliland loo aqoonsan waayay? weftigu inay wefti heer sare ah ahaayeen waxaan ku garan karayaa gudoomiyaha baarlamaankooda waraaq ayay ka siteen, marka farriin wanaagsan ayay qaadeen weftiyadda Somaliland soo gaadhey, dhab ahaantiina fursad dahabiya ayay Somaliland u aheyd, in la dabagalo ayaa mudan lana weydiiyo xageed dhigteen su’aashi aad inta badan is weydiineyseen”

“Waxaanu weydiiney su’aashan xageed geyneysaan, waxaaney noo sheegeen in ay baarlanmaankooda iyo gudoomiyahooda intaba ay hor dhigayaan, warbixinta aanu Somaliland ka diyaariney mudada aanu joogney sidoo kale waxaa aanu gaadhsiin doona ayay nagu yidhaaheen madaxweynahayaga hadii aanu nahay xildhibaaanada ka socda baarlamaanka dalka Yugaandha, Somalilalnd na mar walba jaanis ayaa ugu jira” ayuu yidhi xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply