Xukuumadda oo Qaadday Tallaabo Lagaga Hor-tagayo Shilalka Gaadiidka

0
558

Hargeysa (Dawan) – Wasaaradda Gaadiidka Iyo horumarinta Jidadka Somaliland, ayaa bilowday hawl-gal ay ku ururrinayso Gaadiidka ay wadaan Dirawallada aan haysan Liisanka Kaxaynta Gaadiidka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Cumar Sayid oo Warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahiyey ujeeddada Gaadiidkan loo ururriyey, waxaanu yidhi “Waxaanu sii wadnaa ololihii lagu kaantaroolayey gaadiidka Waddanka ka shaqeeya, si loo hubiyo in Dirawallada gaadiidka wadaa ay haystaan Ruqsaddii Kaxaynta Gaadiidka, ololahan waxaanu iska kaashanaynaa Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka iyo Ciidammada Booliskaba.”

Agaasimuhu wuxuu sheegay “Ololahani wuxuu soconayaa illaa inta laga gaadhayo Ujeeddadii laga lahaa oo ah in la waayo Qof billaa Ruqsad gaadhi ku wata.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ujeeddada ka dambaysa ololahana wax kale maaha ee shilalkii gaadiidka ayaa Waddanka ku batay, Qofka la siinayo Ruqsadda ee Tababbarka ka baxaya ee Dirawal sax ah wuu wadi karaa gaadhiga.”

Bishii u dambaysay ayaa waxa Somaliland ka dhacay Shilal badan, kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply