Taliska Booliska oo Ka Hadlay Shil Baabuur oo Dhimasho iyo Dhaawac Geystay

0
613

Hargeysa (Dawan)- Taliska ciidanka Booliska Somaliland ayaa ka hadlay shil gaadhi oo shalay ka dhacay degmada Dacar Budhuq oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Gaadhiga shilkan galay oo ay lahayd shirkadda socdaaladda ee Bixin ayaa gaddoomay markii uu marayay inta u dhaxaysa degmada Dacar Budhuq iyo Ko’da yare waxaanu sababay shilkaa gaadhi dhimashada 4 qof iyo 10 dhaawac ah, sida uu caddeeyay afhayeenka ciidanka booliska Somaliland, ahna taliyaha ciinka nabad gelyada waddooyinka ee ciidanka booliska gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi

Dadka ku dhintay shilka iyo kuwa ku dhaawacmay oo isigu jira muwaadiniin u dhashay Somaliland iyo dad ajaanib ah, ayay 4 qof, ee ku dhintay ay kala yihiin laba ka mid ah oo u dhashay dalka Bangaladheesh, iyo laba qof oo u dhashay dalkan Somaliland, waxa sidoo kale shilkaasi ku dhaawacmay 10 qof, kuwaas oo 4 ka mid ahi ay yihiin reer Somaliland, halka 6-da kalena ay u dhasheen waddanka Bangaladheesh.

Taliyaha ciidammada Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland, ahna Afhayeenka ciidammada Booliska Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi oo shilkan ka hadlay xalay ayaa sheegay in shilkaasi uu sabab u ahaa Darawalka gaadhiga waday oo Taleefan ku hadlayey xiligii uu gaadhigaasi waday. sidaasna uu gaadhigaasi u qalibmay.

Markii shilkaasi dhacay waxa goobta gaadhey ciidammada Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland oo u gurmaday dadkii shilkaasi ku waxyeeloobay.

Taliyaha ciidammada Nabadgelyada Wadooyinka Somaliland waxa uu dadka ka codsaday in ciidammada loo soo sheego darawalka isaga oo gaadhi wada taleefan ku hadla, isaga oo eheladii ay dadkaasi ka geeriyoodeen ka tacsiyadeeyey, halka uu dadkii dhaawacmayna Ilaahay uga baryey in uu caafimaad siiyo

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply