Maareeye Ku xigeenka Hay’adda Wadooyinka Somaliland oo Rajo Wanaagsan ka Muujiyay Dhameystirka Jidka Ceerigaabo iyo Burco

0
500

Burco (Dawan) Maareeye ku xigeenka hay’adda waddooyinka Somaliland Mustafe Faarax Qalab, ayaa sheegay in xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay dadaal dheer ugu jirto dhameystirka wadada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco.

Waddadan oo qayb mihiima ka qaadan doona isu socodka gaadiidka u kala gooshaya gobolada Togdheer iyo Sanaag.

Maareeye ku xigeenka hay’adda waddooyinka Somaliland Mustafe Faarax Qalab ayaa faahfaahin ka bixiyay jidkan iyo hada halka uu marayo waxaanu yidhi “Waddada Ceerigaabo oo aheyd wado Qaran oo aheyd mid bulshada Somaliland quluubtooda ku jirta, aheydna wado Qaranku go’aansaday in la dhiso waxaa ay mareysaa meesha u dhaxeysa Fadhigaab iyo Ceel-afweyn, waxaaney imika mareysaa magaalada Ceel-nimcoon oo ay ciidu taagan tahay hal kilomitir ila afar kilo mitir uu sibidh ku danbeeyo, Insha Allaahu waxaa uu qorshahayagu yahay in aanu Gar-adag soo gaadhsiino”

Maareeye ku xigeenka hay’adda wadooyinka Somaliland Mustafe Faarax Qalab waxaa uu xusay in xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay dadaal xoogan ugu jirto dhameystirka jidkani waxaanu yidhi “Jidka Ceerigaabo waxaa laamiya ilaa boqol iyo sagaashan ilaa boqol iyo siteen ayaa laamiya sida aan rajeynayo, dhinaca Ceel-afweyn waxaa laaamiya ila boqol iyo labatan. Sababta oo ah Ceerigaabo iyo Ceel-afweyn waanu isku xidhnay, xagan sokena Gadhka illaa Ina-afmadoobe waa uu dhameystiran yahay, xukuumadda uu madaxweyne Muuse Biixi gadhwadeenka ka yahayna waa ay sii libin laabtay dadaalkii loogu jiray dhameystirka jidkani, kaasi oo ku dhisan dabagal iyo shaqada oo isku dheelitiran, aad iyo aad ayuu madaxweynuhu arrintaasi u dabagalay, anagana nagu maamulaa, bisha Ramadan fasax ayaanu galnay hadana maanaan nasan amarka Illaahey, Burco waddo 2-km ah ayaanu ka wadnaa, Baligubadlena gaadiidkayagii ayaa ka shaqeynaya, iyo biya xidheenadii gobolka Togdheer oo aanu si fiican uga qayb qaadanay”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply