Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Meesha ka Saaray in Somaliland ka Faa’iidaysanayso Khilaafka Muqdisho iyo Nayroobi

0
690

Nayroobi (Dawan)- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa caddeeyay in Somaliland aanay ka faa’iidaysanayn khilaafka u dhexeeya Kiiniya iyo Soomaaliya, isla markaana socdaalka ay ku joogaan weftiga Somaliland Nayroobi in aanu wax xidhiidh ah la lahayn muranka ka dhex taagan Muqdisho iyo Nayroobi.

Waxaaa kale oo uu ka hadlay arrimaha ay ka wada hadleen safaaradaha dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka oo ay laba kulan wada yeesheen iyo kulamo ay la qaateen madax sare oo ka tirsan dawladda Kiiniya oo ay ka mid yihiin baarlamaanka dalkaas iyo madax sare oo ka tirsan Madaxtooyada Kiiniya.

Waxaanu wasiir Maxamed Kaahin sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siisay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da.

Ugu horrayn wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay socdaalkooda ay ku joogaan Nayroobi, ayaa yidhi “Waxaanu u joognaa halkan (Nayroobi) in aanu ka wada hadalno xaaladda doorashada Somaliland ee golaha wakiilada oo qorshaysan in ay sannadkan dabayaaqadiisa qabsoonto dawladaha qayb wadaagta kala noqda Somaliland ee kala qayb qaata doorashooyinka ee midawga Yurub iyo dalalka aan midawga Yurub ahaynba sida Ingiriiska iyo Swisarland, oo iyaguna Hargeysa noogu yimi, waxaanan ka wada hadalnay arrimaha doorashooyinka iyo waxyaabaha u baahan in la qabto ee farsamo ahaan loo baahan yahay in la qabto inta doorashada ka horraysa, waanan la kulanay safaaraduhu shirweyne ayay noo qabteen, xaaladdaana waan iska waraysanay, laba goor ayaanan la kulanay, waxaa kale oo aanu la kulanay, masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dawladda Kiiniya taas oo ujeedadayadu ay tahay fikirka iyo ahmiyadda arrimaha dibedda ee dawladda Somaliland oo ah in aan xidhiidh wanaagsan la yeelano dawladaha mandaqadan geeska Afrika aanu ku wada nool nahay iyo guud ahaan qaaradda Afrika, markaa si fiicaanna waan u wada hadalnay meel fiicanna way noo maraysaa.”

Wasiirka oo la waydiiyay sababta labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID ay safarka ugu wada socdeen, isla makaana xisbiga Waddani aanu ugu wehelin safarkooda, ayaa ku jawaabay. “Labadayada Xisbi KULMIYE iyo UCID mawqif ayaanu ka wada taaganahay arrimaha doorashada cid aanu ka soo tagnayna ma jirto cid walibana xaq bay u leedahay mawqifka ay iska taagayso doorashada, labadan xisbi gaashaan buurna maaha cid gaar ahna isuma gaashaan buuraysanayaan, labadan xisbi waxay caddeeyeen markii ay dalka joogeenna qaraarna ay ku soo wada saareen in ay diyaar u yihiin in doorashadii dalka ka qabsoonto xisbiga kalena go’aanka uu doorashada ka qaadanayo isaga ayay u taallaa.”

Wasiirka oo ka hadlayay madaxda dhanka dawladda Kiiniya ee ay la kulmeen, ayaa yidhi. “Waxaan la kulanay masuuliyiinta baarlamaanka ee labada xisbi u sarraysa, Madaxtoyadana masuul sare ayaanu kala kulanay. Wxaanan ka wada hadalnay xidhiidhka labada dal siyaasiyan sidaanu u kordhisan lahayn cilaaqaadkayaga siyaasiga ah ee labada dal sidaanu u samayn lahayn is waydaarsi ganacsi oo Somaliland iyo dalka Kiiniya ah iyadoo imika Kiiniya lagu qabtay carwo arrimaha ganacsiga ee Somaliland ah oo ay hoggaaminayeen wasiirada arrimaha dibedda iyo Ganacsiga ee Somaliland oo ay dawladda Kiiniyana kala soo qayb gashay, waxaa kale oo aanu ka wada hadalnay in aanu mandaqada nabad gelyadeeda ka wada shaqayno.”

Wasiirka oo la waydiiyay in Somaliland ay ka faa’iidaysanayso khilaafka Kiiniya iyo Soomaaliya ka dhex taagan, ayaa ku jawaabay. “Waxba ka faa’iidaysan mayno khilaafka ka jira Muqdisho iyo Nayroobi ee arrimahayaga Somaliland iyo cilaaqaadka siyaasiga ah ee Kiiniya naga dhexeeya ayaan ka wada hadlaynay, Somaliland maaha dal ka faa’iidaysta cilaaqaad xumada dalalka ka dhex dhaca, Soomaaliya ayaa looga turjumayaa sidaa, waxaan jecelnahay in ay xilkooda ku ekaadaan oo y dawladaha iyo dalalka deriska si wanaagsan ula dhaqmaan.”

Wasiirka oo la waydiiyay in Somaliland dariiq qaldan aqoonsiga madaxbannaanida ka raadinayso, ayaa ku jawaabay. “Somaliland si qaldan uma raadinayso, Somaliland cidna aqoonsi kamay qaadan iyada ayaa hal abuurkeeda lahayd midnimadii 60-kii. fikirki Somaliweyn la odhan jirayna Somaliland, ayaa lahayd hal abuurkeeda Soomaaliyana may lahayn, halkan (Kiiniya) cilaaqaadkay Somaliland lahaayeen waa mid guun ah laakiin Soomaaliya imika ayay is baranayaan, Somaliland iyo Kiiniya laba mustacmaradood oo Ingiriis gumaysto ayay ahaayeen xiliyada qaarna waxay wada qaadan jireen lacagtii la odhan jiray Est African Money. Qoladii ugu soo horraysay ee Kiiniya timina Somaliland ayay ahayd, markaa imika ictiraaf ma raadinayo oo Somaliland 1960-kii dawladood in ka badan ayaa aqoonsaday oo ay ku jiraan shanta dawladood ee maanta fiitoo baawarka leh, Somaliland marna Soomaaliya cadaawad uma hayso, laakiin maanta dadka Xamar maamula ayay kaga go’day in ay Somaliland cadaawad u uruursadaan waana sida ay marba dal isugu dhacayaan ee ay imika Kiiniya isugu dhaceen, maanta Soomaaliya Kiiniya wax ma tarto ee Kiiniya ayaa wax tarta, fikirka siyaasiga ah iyo dawladeed ee sabbaynaya ee aan jahaynta lahayn ayaa keenaya in ay yidhaahdaan Somaliland meel qaldan ayay wax ka raadinaysaa iyo khilaafka Nayroobi iyo Muqdisho ayay ka faa’iidaysanaysaa, laakiin Somaliland waxaa kama faa’iidaysanayso, waxaanan jecelnahay in cid waliba ay cilaaqaad wanaagsan wada yeelato, annagana ahmiyadayadu waxaa weeye in aanu cid kasta cilaaqaad wanaagsan la yeelano cid kastana waxaan jecelnay in ay xidhiidh wanaagsan wada yeeshaan.”

Wasiirka oo la waydiiyay sida ay u arkaan khilaafka Kiiniya iyo Soomaaliya iyo wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa yidhi. “Arrintaasi labada dal ee Kiiniya iyo Soomaaliya ayay u taallaa. Wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya annagu bulshada caalamka mar hore ayaanu u sheegnay wada hadlkana mar kasta annaga ayaa hor qaadaynay oo hindisaynay in aanu diyaar u nahayna bulshada caalamka waanu u sheegnay, wararka nagu soo noqonayaana waxay leeyihiin in dhanka Muqdisho na ay leeyihiin diyaar ayaan nahay laakiin xilli looma qaban, laakiin Somaliland waxaa ka go’an in ay wada hadalada labada dhinac in ay diyaar u noqoto.” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply