Wasiirka Diinta oo Ka Qayb Galay Gebagabadda Tartanka Quraanka Gabiley

0
561

Gabiley (Dawan): Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa shalay ka qayb galay munaasibad lagu soo gebagabaynayay tartan quraanka kariimka ah oo lagu qabtay masjid jaamaca Gabiley.

Tartankaas quraanka ah oo muddo ka socday masjid jaamaca Gabiley ayaa gebegabadii abaalmarino lagu gudoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ka gashay.

Masuuliyiintii munaasibadaas ka soo qayb galay waxaa kaloo ka mid ahaa wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta, badhasaabka Gabiley, culimaw-diin iyo xubno ka tirsan golaha degaanka Gabiley.

Wasiirka diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo munaasibadaa hadal ka jeediyay ayaa sheegay in hambalyo u diray ardayda ku guuleystey tartanka xifdiga Quraanka Kariimka.

Waxaanu yidhi “Waxaan marka hore ku hambalyaynayaa ardayda ku guuleystey tartanka Quraanka Kariimka.

Marka labaad iyaga-na si gaar ah u hambalyaynayaa maamulka gobolka iyo ka degmada Gabiley ee golaha degaanka, sida ay u mideeyeen tartankii degmooyinka iyo dugsiyadda Quraanka oo meel kaliya isugu keeneen. Waxaanan soo jeedin lahaa in lagaga daydo iyo doorka ay ka geysteenba”.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi, oo isna halkaa hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in goob keliya oo gobolka ah lagu qabto tartanka si looga faa’iideysto.

Maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi, ayaa isna xafladaas ka hadlay waxaanu yidhi “Annaga ka maamul gole degaan ahaan baabuurka aanu ku dhiirigalinay ardaygii ugu sareeyay xifdiga Quraanka Kariimka umaanu bixin in nalagu amaano, shakhsi gaar ahina Muu bixine ee dawladda hoose ayaa bixisay oo cashuurtiinii ayaa laga bixiyay.

Waxa loo bixiyay sharafta iyo quruxda midnimadu leedahay, ayaanu anaguna go’aansanay in aanu ku dhiirigelino” ayuu yidhi maayarka Gabiley.

Sidoo kale Waxa iyag-na halkaa hadalo ka jeediyay gudoomiyaha gobolka Gabiley iyo ku xigeenkiisa, Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (Indho-balac),iyo Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali-case), gudoomiyeyaasha degmooyinka Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi iyo Arabsiyo Xamse Xaaji Xuseen.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay xubno ka mid ahaa culimadii xafladda ka soo qayb galay oo uu ka mid ahaa Sheekh Xasan Jaamac, xildhibaan Axmed Cali Maxamed, qaar ka mid ah cuqaasha gobolka, maamulka shirkada Telesom iyo macalimiinta iyo waalidiinta dugsiyada Quraanka gobolka Gabiley.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply