Hargeisa-(Hargeysa)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa galabta kulan ballaadhan la qaatay guddida Wasiiradda ee mashruuca maamul-daadajinta dawladaha hoose ee JPLG-ga.
Kulankan oo ah kii saddex biloodlaha ahaa ee guddida JPLG-ga iyo Madaxweyne ku-xigeenku yeeshaan ayaa lagaga dooday sidii loosii dar-dar gelin lahaa mashruucaasi oo ah mid muhiim u ah deegaanadda uu ka socdo, waxaana si gaara kulankani loogu lafo guray labadii waji ee hore oo min 5 sannadood ahaa wixii qabsoomay, waxa dhiman iyo waxa qabyo tir u baahan.