Dawladda Ingiriiska oo Caddeysay inay Somaliland Kala Shaqeynayso Doorashada Baarlamaanka, Kuna Ammaantay Guulaha ay Gaadhay

0
601
File photo dated 12/05/15 of Africa minister Rory Stewart who has said the end of the "brutal tragedy" of Robert Mugabe's rule in Zimbabwe could transform the country, but his departure cannot be taken for granted. PRESS ASSOCIATION Photo. Issue date: Monday November 20, 2017. See PA story POLITICS Zimbabwe. Photo credit should read: John Stillwell/PA Wire

LONDON (DAWAN)-Wasiirul-dawalaha Iskaashiga caalamiga ah dalka UK, Mr. Rory Stewart, ayaa ammaanay Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid tallaabasatay  Guullo wax ku ool ah, waxaanu caddeeyey  inay kala shaqeyn doonaan Doorashada Baarlamaanka ee soo socota.

Wasiirul-dawlaha Iskaashiga Caalamiga ah ee Ingiriisku wuxuu sidaasi ka sheegay fadhi uu maanta yeeshay baarlamaanka  UK , oo  Xildhibaan Stephen Doughty oo ka mid ah saaxiibada Somaliland ee laga soo doorto  Koonfurta Cardiff uu  wax waydiiday inay  Dawladda UK Somaliland kala shaqeynayso  Saameynta  isbeddelka Cimilada Adduunka, Doorashada  soo socota ee Baarlamaanka  iyo Wadahadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

Siday werisay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), Mr. Rory Stewart wuxuu Somaliland ku sheegay  inay  ku taallo bad ay dhibaatooyin badani ka  jiraan, waxaanu qiray inay guullo badan gaadhay, halka uu Soomaaliyana  ku tilmaamay mid ay  taagan tahay xaalad adagi.

Mr. Rory Stewart Wasiirul-dawlaha Iskaashiga caalamiga ah Ingiriisku wuxuu sheegay in Dawladda UK ay Jamhuuriyadda Somaliland kala shaqeysay Doorashadii u dambeysay ee Madaxtooyadda, isla markaana ay ka taageerayaan Doorashada  soo socota ee Baarlamaanka Somaliland.  “Nasiib wanaag  waxaan  la kulmay booqashadaydii u dambeysay ee aan ku tagay Somaliland,  madaxweynaha  hadda talada qabtay. Waxaan filayaa inay jiraan wax badan oo aynu la qaban karno Somaliland, waxaan ku faraxsan nahay inaan la fadhiisan doono  xildhibaannada si aanu uga wada hadalno qoddobada  Somaliland khuseeya,”ayuu yidhi Mr. Rory Stewart.

Cumar Maxamed Faarax

Solnanews.com

Leave a Reply