Dawladda Hoose Ee Burco oo Bilawday Hawl Gallo ay Ku Sifaynayso Biyo Fadhiistay Wadooyinka iyo Guryaha Hortoodda

0
558

Burco (Dawan): Dawladda hoose ee magaaladda Burco ayaa xaafado ka mida magaaladaasi ka bilawday olole ay biyo fadhiistay kaga sii daynayso qaybo ka mida xaafadaha magaaladaasi.

Biyahaas oo ka dhashay roobab xoog leh oo maalmihii la soo dhaafay ka da’ay magaaladda Burco.

Hawl galadaasi biyaha lagaga sii daynayo meelaha biyo-fadhiisiga ah ayaa shalay laga bilaabay xaafadda October ee magaaladda Burco.

Waxaana ololahaasi hor kacayay xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka ee Burco.

Xildhibaanka oo ka warbixiyay hawl galkan ay biyaha fadhiistay ku sii daynayeen ayaa ugu baaqay bulshadda magaaladda Burco in ay wadooyinka ka ilaaliyaan waxyaabaha dhibaatadda u gaysanaya.

Isagoo ugu horayn tacsi u dirayay qoyska qof ku dhintay Danab habeen hore ku dhacay guri ku yaalla magaaladda Burco, waxa uu yidhi “Marka hore waxaan halkan ka tacsiyadayaa dhibaatadii ka dhalatay Danabkii xalay (habeen hore) ku dhacay xaafad ka tirsan magaalada Burco. Waxaan ILLAAHAY SWT uga baryayaa in uu u naxariisto, eheladeediina uu Samir iyo iimaan ka siiyo”.

Waxaanu intaas raaciyay “Waxaan ku jirnaa wakhtigii Gu’ga ee roobabka. Anagu-na haddii aanu nahay dawladii hoose, waxaanu qabanaynaa shaqooyinkayagii caadiga ahaa, ee aanu bulshadda magaaladda Burco u haynay.

Roobabkii da’ay ayaa waxaa ka dhashay in meello badan oo ka mida xaafadaha ay wadooyinka biyo fadhiisteen. Waddadan aan imika joogno, ee aan banaynayo waxay ahayd meel Godan oo biyo fadhiisteen, oo dadku-na dhibaato ku qabeen ayaanu banaynaa” ayuu yidhi Mubaarig Bidhi.

Geesta kale xildhibaan Bidhi, ayaa fariin u diray bulshadda magaaladda Burco, waxaanu yidhi “Qof waliba waxa uu doonayaa in uu gurigiisa Dhaxagaan ama Ciid hor dhigto. Kadibna marka ay gurigaas biyihii ka leexdaan, waxay toos ugu gelayaan gurigii ku xigay ama ka soo hor jeeday.

Markaa, waxaanu ka codsanaynaa bulshadda magaaladda Burco in ay iska daayaan Ciidaha iyo Dhagaxaanta ay hor dhigayaan guryahoodda. Waayo? Diyaar ayaanu idiinla nahay anagu (dawladda hoose) in aanu idinla shaqayno.

Laakiin idinku-na nala shaqeeya, oo wadooyinka ka daaya qashinka aad raacinaysaan biyaha roobku marka ay yimaadaan”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply