“Dadka Waxaa Xashiishka laga Qaada Kaliya inta lacagta Heysata” Xildhibaan Dayib Xasan Axmed

0
778

Hargeysa (Dawan):- Xildhibaan Dayib Xasan Axmed oo ka mid ah mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa sheegay in shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dawladda hoose u xil saartay faya-dhawrka caasimaddu in ay xashiishka ka qaadaan oo keliya dadka lacagta heysta.

Waxaanu xusay in dadka danyarta ah ee aan heysan lacagta xashiishka lagaga qaadayo xiliyada roobka ay goobaha biyo mareenada ah ku shubaan xashiishka, taana ay ka dhalato dhibaato, islamarkaana ay xanibmaan goobihii ay biyuhu marilahaayeen.

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Kormeer aan soo sameynay waxaanu ku soo ogaanay in laagaha Hargeysa ku yaalla ee biyuhu maraan inta roobku da’ayo iyo inta u dhaxeysa dadka intii aan lacagta heysanin inay xashiishka ku guraan, ileyn cid ka qaada ma heystaane shirkaduhuna wixii lacag heysta ayuunbay ka qaadaan, oo marka gaadiidka qashinka qaadaya ay soo maraan xaafadaha gudaha magaalada Hargeysa waxaa kaliya ee ay ka qaadaan qashinka wixii lacag heysta ”

Xildhibaanka oo si gaar ah farriin ugu diray dawladaha hoose ee degmooyinka dalka oo ay ugu horrayso dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa, ayaa u soo jeediyay in ay qashinka ka qaadaan dadka danyarta ah ee shirkaduhu ay ka tageen xashiishkooda ama in ay shirkadaha qasab kaga dhigaan in ay qashinka dadka ka wada qaadaan.

Waxaanu yidhi xildhibaanku “Xashiiska dadka danyarta ah ee aan lacagta heysanin ay ku gurayaan laagaha waxaa ka timaada dhibaato, taasi oo ay banrdmaan goobihii biya mareenada ahaa, laagahaasi markii ay banadmeenna waxaa ay keeneen in ama guri ay ku fatahaan ama dhul ku fatahan ileyn waa biyo aan heysan meeshii ay mari lahaayeene, waxaan u soo jeedinayaa maayarada degmooyinka dalka oo uu ugu horreeyo ka caasimada Hargeysa in wixii shirkaduhu lacagta ka qaataan mooyaane wixii kale dawldaha hoose in ay ka guraan, haddii kale idinka ayaa xil idinka saaran yahaye in shirkadihii aad masuuliyadii kala noqotaan oo idinku hawshiina ha leydinku canaantee aad qaadataan”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply