Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada oo ka War Bixiyay Hawlaha Ay Qaranka u Hayaan

0
556

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiyaha Hay’adda dhawrista Tayada ee Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, ayaa sheegay in hawsha qaranku u igmaday in ay si habsami ah u socoto isla markaana ay aad u illaaliyaan dhammaan alaabooyinka dalka soo gelaya nooc kasta oo ay yihiin.

Waxaanu intaa raaciyay guddoomiye Muuse in dhawaan dalka la keeni doono shaybaadh casri ah oo dawooyinka lagu baadho.

Waxaa kale oo uu caddeeyay in dawlahada hoose ee degmooyinka ay wada shaqayn dhaw ay leeyiin isla markaana wixii badeecado ah ee taariikh ahaan dhacay ama aan la isticmaali Karin ee is bedelay ee gudaha magaalooyinka yaalla ee tafaariiq ah in ay u daayeen dawladaha hoose in ay badeecadaha noocaas ah in ay dadka ka qabtaan.

Guddoomiye Muuse waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay wargeyska Dawan.

Guddoomiyaha oo ugu horrayn la ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in is bedel ku yimi hannaankoodii shaqo iyo sababaha loo arki waayay dhaq-dhaqaaqyo ay lahaayeen markii ay xafiiska la wareegeen, ayaa yidhi. “Bulshadu waxay arkaan ayuun bay ku xisaabtamaan, markii ay arkeen annagoo ku gudo jirna hawlo waawayn oo ay ka mid yihiin wershado waawayn oo dalka wax ka soo saarayay iyo badeecado kala duwan oo waawayn ayaa la mooday in shaqadayadu ay tahay meel la xidhayo uun laakiin xadhig keliya maaha hawsha aanu qaranka u haynaa, waanay ka ballaadhan tahay, hawlahaa noocooda ahaa iyo qaar kale oo badanba waanu wadnaa, dardartii aanu shaqada ku bilawnayna waanu ku wadnaa waxaanan u taagannahay in aanu la wada socono dhammaan badeecadaha kala duwan ee dalka soo galaya oo dhan, hadduu madaar ka soo degayo, hadday dekedda ka soo degayaan iyo hadday xuduudaha dalka ka soo galayaanba, waan la wada soconaa dhammaan alaabooyinka kala duwan ee dalka soo gelaya, waxyaabaha aanu sida gaarka ah u illaalinana waxaa ka mid ah dawooyinka oo shay loo isticmaalayo baahi gaar ah oo dad bukaan ah lagu dawaynayo aad ayaanan ugu mahad naqayaa shirkadaha dawooyinka ka ganacsada oo mudadaa dalku dhismayay iyaguna soo korayay oo diyaar u ah in ay dalka keenaan dawooyin tayo leh oo dadka wax u tara.

Markaa waxaanu door bidnay in aanu shaqayno oo aanu hawsha aanu qaranka u hayno aanu gudano, laakiin aanaan warbaahinta ku badnaanin, taas oo aanu is leenahay shaqo badan iyo hadal yar ayuu qarankiinu u baahan yahay. Imika waxaan ka soo noqday safar shaqo oo aanu ku tegay gobolka Togdheer, waxaanan dawooyin ku qabanay kastamka Beer ee duleedka Burco, markii aanu hubinayna waan soo fasaxnay. Markaa saacad kasta waanu shaqaynaynaa, mana jiro wax dabac ah oo ku yimi shaqadii aanu qaranka Somaliland u haynay ee naloo igmaday.”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay siday uga hawl galaan dekedda Berber, ayaa yidhi “Dekedda Berbera si wayn ayaan uga hawl galnaa oo xafiisyo badan ayaan ku leenahay, xafiisyadaasna mid ka mid ah aniga ayaaba fadhiista, shay kasta oo dekedda Berbera ka soo degana waanu baadhnaa oo tayadiisa ayaanu hubinaa, markaannu ogaano tayadiisa ayuun baana la rogi karaa.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay badeecado badan oo dhacay oo magaalooyinka lagu arkay sababta ay wax uga qaban waayeen ayaa yidhi. “Horta annagu waxaanu eegnaa ama aanu ka hubinaa alaabooyinka maaha dhaytkooda oo keliya iyo in ay dhacday badeecaddu iyo in kale ee waxaanu eegnaa waxan tayadiisa iyo waxyaabaha uu ka samaysan yahay iyo in waxyeelo ay soo gaadhay mudadii uu badda ku soo jiray ama dekeddii laga soo rarayay uu ku jiray, waxaa kale oo aanu eegnaa in shayga ay isleeyihiin maclumaadka waraaqaha ah ee caddaynta u ah, waxaana dhici karta in shaygu isagoo aan dhicin oo wakhti u hadhsan yahay in uu hadana waxyeelo keeni karo, waxyaabahaa iyo kuwo kale oo badan ayaan ka eegnaa. Alaabooyinka dhacay ee yaalla gudaha magaalooyinka waxaa jira qorshe aanu ka wada shaqaynayno dawladaha hoose oo ah in wixii magaalooyinka gudahooda ah kol haddii iyagu ay qaabilsan yihiin meeldhii lagu gubayay ee aan deegaanka waxyeelayn in ay iyagu wixii gudaha magaalooyinka ah ee tafaariiq ah in ay xilkooda la wareegaan, waanan ka wada shaqaynaynaa.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay hannaanka ay dawooyinka dalka soo gala ku baadhaan kol haddii aanu jirin shaybaadhkii tayada dawada lagu hubinayay, ayaa ku jawaabay. “Shaybaadh dawooyinka ah oo casri ah ayaa dhawaan dalka la keenayaa inta ka horraysana waxaa jira qaabab kala duwan oo aanu u baadhno oo noo sir ah kol waxaan eegnaa shirkadihii soo saaray dawooyinka, mar cidda soo baadhay mar caddaymaha ay sitaan ganacsatadu iyo arrimo kale oo badan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply