Guddoomiyaha Qandaraasyada Qaranka oo Ka Hadlay Hannaanka Looga Qayb Gelayo Xaraashka Gaadiid Dawladdu Iibinayso

0
605

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha gudida qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen, ayaa ka war bixiyay hannaanka looga qayb gelayo gaadiid ay dawladdu xaraashayso oo dhawaan tartan daah furan lagu xaraashi doono.

Waxaa kale oo uu ka hadlay tartan ay bixiyeen sannadkan oo hay’addo iyo wasaarado kala duwan loogu dhisayay guryo iyo gaadiid loo iibinayay, waxaa kale oo uu guddoomiye Nuux Maxamed Xuseen ka hadlay sida ay ugu illaaliyaan shirkadaha qandaraasyada ku guulaysta fulinta mashruucyada ay dawladda u fulinayaan iyo waxa laga yeelayo shirkadda fulin wayda qandaraaska ay tartanka ku heshay.

Waxaanu intaa raaciyay in qandaraas kasta oo ay bixinayaan ay u siman yihiin dhammaan shirkadaha ku shaqada leh ee dalka oo dhan gobol kasta oo ay ka jiraanna ay tartanka qandaraasyada qaranka ka qayb gali karaan.

Waxaanu sidaa ku sheegay Guddoomiye Nuux Maxamed Xuseen waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay wargayska Dawan.

Ugu horrayn guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay qandaraasyadii ugu dambeeyay ee ay sannadkan bixiyeen, ayaa yidhi. “Sannadkan lixdan bilood ee hore qandaraasyada aanu bixinay ee loo tartamay dhismeyaasha lix dhisme ayaanu bixinay oo loo tartamay, qandaraasyada kale ee qubanaha ah ee aanu bixinay iyaguna waa 26 tan, qandaraas, waxaa kale oo aanu bixinay qandaraaska timirta ee afurka ciidamada, waxaanu bixinay qandaraaska 19 gaadiid ah oo dawladda loo doonayay, dhammaan tartamadaasina waxay ahaayeen kuwo laga wada qayb galay oo markii lagu kala guulaystayna la isugu hambalyeeyay.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay gaadiidka ay dawladdu iibsanayso ee ay qandaraaska ku bixiyaan halka ay ka dalbadaan, ayaa yidhi. “Inta badan waxaanu qandaraaska ku bixinaa oo dawladdu ay dalbataa gaadiidka ay ganacsatada dalku keento ee macdaarada yaalla, haddii aan dalka laga waayinna dibedda lagama soo iibiyo baabuurta dawladdu ay doonayso, muhiimaduna waa in gudaha dalka wax kasta oo laga helayo laga iibsado looguna tartamo.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay tallaabada sharci ee ay ka qaadaan haddii ay dhacdo shirkad qandaraas ku guulaysatay in ay fulin waydo mashruucii dawladda ee ay u tartantay, ayaa yidhi. “Horta waxaa loo raacayaa xeerka qandaraasyada qaranka oo jidaynaya sida shirkadda guulaysatay loola xisaabtamayo, waxaanan soo saarnaa marka tartanka cidi ku guulaysato shirkadda guulaysatay iyo labada shirkadood ee ku soo xiga oo aanu soo bandhigno markaa shirkadda ka soo bixi wayda heshiiska ee uu dhankeeda ka buro waxaa sharci ah in lagu bedelo labada shirkadood ee ku soo xiga ta koobaad, sababta aanu u shaacino labada shirkadood ee ku xiga shirkadda guulaysatayna waxaa weeye in ay noqdaan cidda ku xigta ee booska galaysa haddii shirkadda qandaraaska ku guulaysatay ay fulin waydo waana tallaabo sharci ah oo aanu u raacayno xeerka qandaraasyada qaranka.”

Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in wali cabasho ka soo noqotay dhanka qandaraasyada ay bixiyeen oo ay dhacday in shirkadi ku qasaartay qiimihii ay ku gashay markii hore, ayaa yidhi. “Muddo 14 bilood ah ayaan xafiiska joognay walina may dhicin in shirkad qandaraas ku guulaysatay in uu qasaare ku yimaaddo ama ay isu dabooli waayaan qandaraaska ay ku guulaysatay iyo hawsha laga rabaa, taana waxaan aad iyo aad ugu ammaanayaa shirkadaha aanu qandaraaska siinay oo si wanaagsan noola shaqeeyay oo bisayl badani ka jiro dhankooda.”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay socdaalo shaqo oo ay ku tageen gobolada dalka iyo sida looga soo dhaweeyay guddi ahaan, ayaa yidhi. “Goboladii aanu tagnay aad iyo aad ayaa nalooga soo dhaweeyay waxaanay caddeeyeen oo lana wada ogyahay in aan qandaraasyada qaranku tegi jirin gobolada dalka taas oo aanu uga mahad naqayno madaxweynaha qaranka mudane Muuse Biixi Cabdi oo dhiiri gelinta iyo abaabulka uu hadh iyo habeenba nala qarab taagan yahay ay sababtay in gudida qandaraasyda qaranku in ay sare u kacaan oo ay wada gaadho dhammaan gobolada dalka oo dhan, dadweynuhuna aad ayay u soo dhaweeyeen in gudida qandaraasyadu gobol kasta tartan ku qabato oo ay tagto.”

Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay gaadiidka dawladdu ay xaraashayso iyo sida looga qayb gelayo, ayaa yidhi. “Qandaraaskaasi wuu jiraa gaadiidka dawladda waxaa uga masuul ah wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, wasaaradda ayaa soo qoraysa, liiskiina way na soo gaadhsiiyeen markay noo soo gudbiyeenna waxaanu u saarnay guddi ka kooban shaqaalaha xafiiska iyo gudida qandaraasyada waanay soo tirakoobeen waxaanan isu eegnay liiskii wasaaraddu soo gudbisay iyo liiskii aanu soo tirakoobnay intaa ka dibna waanu soo eegnay dhammaan gaadiidkii waanan soo wada sawirnay, annagoo gaadhi gaadhi uga sawirnay, buug ayaan ka samaynay buuggaa aanu ka samaynay mid walba lambar ayuu leeyahay maalin ayaana tartanka loo qabanayaa, tartankaasi mid furan ayuu noqon doonaa oo cid kasta oo gaadiidkaa danaynaysaa ay ka soo qayb gali doonto waxaanu u dhici doonaa tartankaasi si daah furnaan ah iyadoo qof kasta oo gaadiidkaa xaraashooda ka qayb qaadanayaa uu sito buug lambar leh oo gaadhiga uu doonayona intuu soo arkay isla markaana buugga uu sito ka soo calaamadsaday, waxaanu tartanku ka bilaabmayaa qiimaha ay dawladdu gaadhiga ku bilaabayso waxaanu soconayaa gaadhi kasta qiimihiisu illaa halka ugu dambaysa markaa qiimaha hore oo keliya ayay dawuaddu goynaysaa qiimaha kama dambaysta ahna waxaa leh dadweynaha.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay waxyaabaha ay ku kasbadeen guud ahaan bulshada Somaliland oo aad ugu hanwayn gudida qandaraasyada qaranka kuna faraxsan hannaanka ay u shaqeeyaan, ayaa yidhi. “Waxaan isleeyahay ama ay tahayba in aanu ku kasbanay siyaasadda guud ee xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi u dejisay qandaraasyada qaranka ee lagu hagayo, taasoo aanay hore u dhici jirin in qandaraasyada dawladda ee ka baxaya qasnadda dawladda in si siman oo caddaalad ah in dadka loogu soo bandhigo oo ay ugu tartamaan, imika marka qandaraasyo aanu shaacinayo wargaysyada dalka ayaanu ku baahinaa, raadyaw Hargeysa ayaannu ku baahinaa wabsaytyo aanu leenahay ayaanu ku baahinaa markaa waxaa uu mar wada gaadhayaa dhammaan bulshada dalka o dhan markaas ayay cid kasta oo danaynaysaa ay ka soo qayb gashaa iyadoo aan cidna u daba fadhiisanayn in ay tartanka ka qayb gasho, qodobka labaad ee aan is leeyahay xafiisku kalsooni buu ku helay waxa weeye qandaraaska sir lagama dhigo maalinta qandaraaska la furayo miiska ayaan soo wada fadhiisinaa shirkad kastaana waxay ogtahay shirkadaha kale ee la tartamaya qiimeyaashooda, taas ayaana sababtay in dadku ay kalsooni wayn nagu qabaan.”

Guddoomiyaha oo ka hadlaya sida tartan qandaraas oo ay shaaciyeen looga wada qayb geli karo, ayaa yidhi. “Guud ahaan dalka oo dhan shirkadaha ka hawl gala ee danaynaya qandaraaska la shaaciyay way ka wada qayb gali karaan gobol kasta ha joogaan’e waxaanay kala soconayaan warbaahinta, moobiladoodana way kala soo degi karaan, waxaana ka soo qayb gali kara shirkad kasta oo dalka ka diiwaan gashan, cashuur bixiye ah oo aan cashuur lagu lahayn isla markaana awood u leh fulinta qandaraaska ay ka qayb galayso oo hantiile ah.”

Ugu dambayn waxaa uu kalsooni buuxda oo caddaalad ah u ballan qaaday dhamaan shirkadaha dalka, waxaanu yidhi. “Dhammaan shirkadaha dalka waxaan u ballan qaadayaa in ay naga heli doonaan caddaalad iyo tartan xalaal ah oo u furan dhammaan shirkadaha dalka ee liisanka haysta, isla markaana hantiileyaasha ah cashuurta qaranka ee ku waajibtayna bixiyay ee aan cashuur lagu lahayn, mana jiro cid u baahan in ay cid u daba fadhiisato ka qayb galka tartanka ku guulaysiguna waa calaf ALLE qoray.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply