Wasaaradda Deegaanka oo Beenisay in la Iibiyay Nooc ka Mid ah Xawayaanka Dalka

0
571

Hargaysa (Dawan):- Wasaaradda deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga,ayaa beenisay in la iibiyay nooc ka mid ah xawayaanka dalka ee wasaaraddu ay gacanta ku haysay,waxaanay masuuliyiinta wasaaraddu sheegeen in warkaa been abuurka ah ee laga faafiyay in aanay ka hadhayn isla markaana ay caddayn uga fadhiyaan ciddii warkaas been abuurka ah ka faafisay.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo agaasimaha guud ee Wasaarada Deegaanka Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude ayaa beeniyay warar sheegayay in wasaaradda deegaanku iibgaysay xawayaanka Hareemo cadka.

Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Cabdirisaaq Jaamac Nuur oo warbaahinta si wadajira u la hadlay ayaa sheegay in cadayn looga baahanyahay cidda sheegtay in la iibiyay Xayawaanka Hareemacadka.waxaanay intaa ku dareen in Xukuumaddu masuul ka tahay ilaalinta xayawaanka.

Shugri Xaaji Ismaaciil oo ugu horayn ka hadlaysay shirkaa jaraa’id, ayaa tidhi. “Waxaanu ku dedaalnay in xayawaanka aanu daryeelno doonidii la saarayay xeebta shaqaalahayagu maseexdaan saqda dhexe haddii ay isoo garaacaan markaas ayaanu shidaal ku shubanaa baabuurta si fiican ayaanay noola shaqeeyaan ciidanka Somaliland,hareemacadka aaanu gacanta ku haynaa waa 25 waana laga quruxbadan yahay in Cali Cabdi Gadhle oo kale oo annagu aanu sharciga siinay in ay soo adeegsadaan hay’aduhu waa laga fiicanyahay.hadday doonayaan in ay nala shaqeeyaan hay,aduhu sidan wax ha ka bedelaan mana shaqaynayso annaga ayay noo xidhantay Hareemacadku,Somaliland ayaa leh Hareemacadka Madaxweynaha Somaliland masuul ayuu uga yahay ummada xayawaanka.safiirada Somaliland in la caayo waan ka raaligelinayaa isaga yaana ka jawaabi doona halka lagu iibiyay Hareemacadka hay’ado sharciya ayaana jira isaga ayaana ka jawaabi doona,”.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude ayaa waxa uu sheegay in xeerar ka yaallaan duurjoogta cid iibin kartaana aanay jirin.waxaanu yidhi“Waxaanu baryahan danbe maqlaynay oo dad camal ka dhigteen oo ku sheegayaan duurjoog la iibinayo xeerar ayaana ka yaalla duurjoogta Somaliland lamana iibin karo duurjoogta Somaliland,markaa wasaarad ahaan way naga go’antahay in aan xayawaanka dalka cidna la siinin cidna laga iibin ciddii tidhi xayawaanka ayaa la iibinayaa waxa laga rabaa caddayn cad oo maxkamadeed,”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply