Xukuumadda Somaliland oo Cambaareysay Dawladda Taagta Daran ee Soomaaliya

0
460

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa cambaareysay Dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya oo shaacisay inay ka xun tahay xidhiidhka wax wada qabsi ee Somaliland iyo Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay soo saartay war-saxaafadeed ay jawaab adag kaga bixisay Dawladda Muqdisho oo isla shalay sheegtay inay ka xun tahay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ay dal madax-bannaan ku sheegtay Somaliland.

War-murtiyeedka ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Somaliland oo ay soo turjuntay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa lagu yidhi “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaynaysaa inay ka xun tahay tallaabada ka baxsan diblomaasiyadda ee ay qaaday Soomaaliya, taasi oo ay ku faro-gelinayso xidhiidhka Dawladaha Somaliland iyo Kenya, waxaanay intaas ku dartay in Somaliland ay tahay dal xor ah oo xaq u leh inuu xidhiidh la yeesho dalalka caalamka.”

Warmurtiyeedkaasi waxa lagu sheegay in Somaliland ay soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ay ku naaloonaysay dawlad wanaag isla markaana ay ahayd dal madax-bannaan oo walaalnimo iyo iskaashi la wadaaga Wadammada jaarka la ah.

Waxa kale oo Xukuumadda Somaliland ay ku eedaysay in tallaabooyinka Soomaaliya ay waxyeelo ku yihiin iskaashiga gobolleed ee dalalka Geeska Afrika ee u heellan inay wax wada qabsadaan.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqday Soomaaliya inay wax ka qabato caqabadaha ka haysta dhinaca Horumarka, Nabadgelyada iyo Bini’aadanimada ee ka jirta gudaheeda, intii ay farogelin laheyd dalalka madaxa bannaan ee ay ka mid yihiin Kenya iyo Somaliland.

Geesta kalena, Xukuumadda maqaarsaarka ah ee Soomaaliya, ayaa ka gubatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo 27kii Bishii June 2019, barteedka Twitterka kaga hadashay kulan Nairobi ku dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Xoghayahaya Joogtada ah ee Wasaaradda Khaarajiga Kenya Mr. Macharia Kamau.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya waxay caddeysay in labada Masuul ay kulankooda kaga wada hadleen danaha guud ee labada dal wadaagaan iyo sidii loo sii taabogelin lahaa cilaaqaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply