Xildhibaan Naasir Cali Shire oo Naqdiyay Maamulka Soomaaliya

0
451

Hargaysa (Dawan) Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si adag uga hadlay farogalinta qaawan ee maamulka cagojiidka ah ee Soomaaliya uu ku hayo Jamhuuriyadda Somaliland.

Naasir Cali Shire oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in in Somaliland ay tahay qaran madaxbannaan oo madaxbanaanidiisa la soo noqday sannadkii 1991-kii, is la markaana xidhiidh toosa la leh beesha caalamka.

Naasir Cali Shire oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan doonayaa in aan dhawaaq dheer ku sheego shalay maanta maaha, Somaliland waa qaran madaxbannaan oo xornimadiisii la soo noqday sannadkii 1991-kii, 18 bishii May, waxaana aanu nahay dawlad xidhiidh la leh Caalamka oo xukunta xuduudaheedii iyo dalkeedii, waxaana uu marayaa Faramaajo caqligii 1991kii, Somaliland waa dawlad xisbiyo leh oo Dimuqraadiyad ah oo qofku si xora uu u hadli karo, waxaana Maanta taala in wadahadal yeeshaan Somaliland iyo Soomaaliya, iyaga oo kala taagan labo dawladood.

Maaha in uu ka warwareego Farmaajo wadahadalada oo uu ku soo hor fadhiisan-waayo, waxaanu ku baqayaa in uu soo hor fadhiisto Somaliland, Waxa kale oo la marayaa in dagaal qarsoon uu ku hayo Somaliland maamulka ka taliya magaalada Muqdisho oo ah aan kaligay noolaado, waa dagaal qarsoon oo daaha dabadiisa ay ka riixayso dawlada Soomaaliya”.

Sidoo kale Xildhibaanku waxa uu jawaab adag ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Ismaaciil Hure Buubaa oo uu ku sheegay in warqda xoolaha ka dhoofaya Berbera laga soo qaato dalka Soomaaliya. waxaana uu yidhi “Markii uu soo quustay Ismaaciil Buubaa ayuu dalka ku soo noqday, waa la soo dhaweeyay, hadana maanta waxa aad ka bilowday in gudahoodii dadka isku dirtaan, waxa aad bilowday in aad tidhaahdo xoolaha Somaliland laga dhoofinayo ha qaataan warqada Soomaaliya iyadoo 28 sanno ay jirtay Somaliland oo xoolaha Berbera ka dhoofaa warqada Somaliland ku bixi jireen, waxaana uu bilaabay in uu sameeyo wax kasta oo uu Somaliland ku xumaynayo”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply