Haween Weynaha Xisbiga KULMIYE Oo Si Weyn U Taageeray Socdaalkii Madaxweynaha Somaliland Ee Guinea.

0
497

Hargeysa(Dawan)Garabka Haweenka ee Xisbiga Talada Dalka Haya ee KULMIYE ayaa shir jaraa’id  oo ay ku qabteen Xarunta dhexe  ee xisbigaasi  ee Magaalada Hargaysa waxa ay taageero balaadhan ugu muujiyeen socdaalka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku tegey dalka Gini.

Shirkan Jaraa’id oo ay Haweenku ku qabteen xarunta xisbigaasi  ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiye ku xigeenka  Saddexaad ee xisbiga Kulmiye,Xoghayaha guud ee  xisbiga Kulmiye, Guddoomiyaha garabka Haweenka ee Heer Qaran ee Xisbiga Kulmiye,Guddoomiye ku xigeenka garabka Haweenka,Xoghayaha garabka Haweenka, Gudoomiyaha garabka haweenka ee Dalka Sweden,Guddoomiyaha garabka Haweenka ee Gobolka Sool,Guddoomiyaha garabka haweenka ee Gobolka Saaxil iyo Guddoomiyeyaasha garabka Haweenka ee xaafadaha Magaalada Hargeysa

Waxa shirkaasi ka  hadashay Xoghayaha garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye Hodan Axmed Taraafi oo  bogaadisay Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo Weftiga uu hoggaaminayo ee safarka ku tegay Dalka Gini, sidoo kalena waxa ay Fariin u dirtay Maamulka Xamar oo ay ugu baaqday inay faraha kala  baxaan arrimaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kalena waxa shirkaasi ka  hadashay Luul Xasan Mataan oo fariin adag u dirtay Dawladda taagta daran ee Soomaaliya, isla markaana sheegtay in aanay waxba Somaliland uga baahnayn Soomaaliya.

Nadiifo Maxamed Col-u-joog oo ku hadlaysay Afka Gobollada Sool,Sanaag iyo Xaysimo, ayaa  ku ammaantay Madaxweynaha JSL Md.Muuse Biixi Cabdi socdaalka taariikhiga ah ee uu ku tagay dalka Gini,kaasi oo albaabo cusub u furay siyaasadda dibadda Somaliland.

Geesta kale, waxa iyana halkaasi ka hadlay Guddoomiyeyaasha Garabka Haweenka ee xisbiga Kulmiye ee Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Hargaysa oo dhammaantood soo dhaweeyey socdaalka  Madaxweynaha JSL ee uu ku tagay Dalka Gini,sidoo kalena waxa ay Hambalyo u direen Shacabka Reer Somaliland sida weyn u taageeray weftiga madaxweynahooda.

Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Heer Qaran ee Xisbiga Kulmiye Dalays Shire Faarax ayaa ku hambalyeysay Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi guulaha uu ka soo hooyey Dalka Gini,sidoo kalena waxa ay fariin u dirtay Dawladda Taagta Daran ee Soomaaliya.

Waxa kaloo  halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee xisbiga Kulmiye Xuseen Aadan Cadde waxaanu u mahadnaqay Haweenka Xisbiga Kulmiye ee soo qabanqaabiyey  munaasibadan qiimaha leh ee ay ku taageerayaan Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayo ee safarka shaqo ee uu ku tegey Dalka Gini.

Leave a Reply