“Farmaajo oo Adeerkii Dadka Somaliland Xabbad Ku Dilay Ayuu Isna Wadaa Imika in uu Qalin Ku Dilo”

0
535

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa caddeeyay in aanay Somaliland aanay u dabranaanayn Soomaaliya, isla markaana kashifay dagaal nololeed aan baaxad lahayn oo maamulka Farmaajo uu ku hayo dadka iyo dalka Somaliland oo uu kula kacay falal nolol u quudhi waa ah oo cadaawadeed.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay in ay caalamka wax la qabsato isla markaana ay tegayso dal kasta oo ay xidhiidh wada yeeshaan.

Waxaanu sidaa ku sheegay mar uu shalay ka qayb galay doodad Jimcaha ee BBC-Somali oo ay kula jireen wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Waxaana doodad oo labada wasiir xubin aqoonyahan ahi uu ku weheliyay laga waayay wasiir dibadeedka Soomaaliya hal mar in uu ka garaabo dooodda uu oo bandhigay wasiir Saleebaan ee xaqiiqooyinka ku salaysnayd, taa bedelkeedana waxaa uu ka dhigay in uu qabsado waryeyaasha BBC-Somali oo uu yidhaahdo waxaan ku hadlaysaan ayaaba qalad ah oo waxaad ku sheegteen Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir Saleebaan oo ka hadlayay Somaliland iyo Soomaaliya waxay kala yihiin,ayaa yidhi.“Somaliland waa dal taariikh ku leh labadii boqol ee ugu dambaysay taariikhda casriga ah oo xuduudo gaar ah lahaa, waa dal xuduudihiisii wali cad yihiin wax muran ahi kama taagna xadka aan Jabuuti la leenahay hadday dhul tahay iyo hadday bad tahayba, muran kama taagna xuduudka aan Itoobiya la leenahay waa dal la ogyahay in uu xornimadiisa ka qaatay boqortooyada Ingiriiska 1960-26-june oo ay aqoonsadeen 27 dawladood.”

Wasiirka oo ka hadlayay xidhiidhka dawladda Muqdisho ay u jartay dalka Guinia, ayaa yidhi. “horta anigu odhan maayo maxaad ugu jarteen laakiin waxaa ka muuqataa olole ballaadhan oo lagu cunaqabataynayo dadka Somaliland nooc kastaba ha noqotee,oo aad mooddo dawladda uu hoggaamiyo Farmaajo in ay u dhiilo dhaansatay in colaad riiq dheer oo raagta in ay abuuraan,iyadoo la wada ogyahay sidii markii horena loo kala tegay.waxaanan u argnaa xidhiidhka ay u jartay Guinia in uu ka mid yahay cunaqabatynta ay Soomaaliya ku hayso Somaliland ee ay doonayso in ay caalamka kaga go’doomiyaan laakiin annagu(Somaliland) joojin mayno waanan wadaynaa in aan caalamka la kulano dalal iyo dawlado badan oo noo qorshaysan in aanu booqanaana wayn jiraan sharaf ayaanay noo tahay.”

Wasiirka oo ka hadlayay Somaliland waxa uga qorshaysan in Somaliland iyo Soomaaliya ay arrimahooga ka wada hadlayaan, ayaa caddeeyay in Somaliland mar kasta ay diyaar u tahay in Soomaaliya ay si labada dalba dan u ah in ay u wada hadlaan oo aan keenin colaad iyo riiq labada dal iyo labada shacab kala fogeeya, waxaanu yidhi. “ horta waxay ku xidhan tahay dadka masuuliyiinta ah ee xilka haya qaabka loo wada hadlanyo,annagu haddaanu nahay Somaliland ma dooranayno oo ma doonayno in ay naga timaado hadal xajiin iyo xumaan keenaya oo riiq dheer iyo xumaan reeba oo isu gala dadka Soomaalida ah diyaar uma nihin in uu dhankayaga ka yimaado laakiin waxaanu dal madaxbannaan iyo dal gaar ah oo jira oo caalamku la macaamilo waxaa kuu cad madaxweyneyaashii iyo wasiiradii dalkan soo maray mid aan caalamka ka qayb galin ma jiro,markaa waxaan leeyahay Soomaaliya laba, in aad waddaan colaadii dadkani hore ugu go’ay iyo in aan noqono laba dawladood oo wada hadla oo miis isugu yimaadda oo ka wada hadla waxa ka dhexeeya oo cid waliba waxa ay qabto ay soo dhigto,laakiin aan lagu tartamin xiqdiga xasadka iyo xumaynta,laakiin haddii nala tuso xumaanta annaguna ma dhawranayno ee waxaanu isticmaalaynaa awoodayada dawadnimo.”

Wasiir Saleebaan oo ka hadlayay kulamadii hore ee Somaliland iyo Soomaaliya ay wada yeesheen iyo arrimaha la isla soo qaaday, ayaa yidhi. “tiraba laba kulan ayaa qabsoomay oo midna Turkiga ahaa midna Imaaraadka waxyaabaha laga wada hadlayna waxay ku koobnaayeen arrimaha bini’aadannimada laakiin arrimihii masiiriga ahaa hoos looguma daadegin, waxaana sabab u ah in aan arrimahaa laga waada hadal sidaa uu imikaba wasiirka(wasiir dibadeedka Soomaalia) u hadlayo waxay leeyihiin Soomaaliya Somaliland waa qayb naga mid ah ama gobol naga mid ah annaguna waxaanu nahay dal nadaxbannaan oo aan horena uga mid ahayn Soomaaliya imikana illaa 91-kii oo uu xornimadiisa la soo noqday,marxalado badan soo maray way jirtay mar ay dhacday midaw aan sahrci ahayn laakiin illaa 91-kii, dalkayagu wuxuu noo ahaa mid madaxbannaan oo arrimihiisa isagu leh oo isu tashaday,markaa waxaa laga hadlayaa waa labadaa kelmadoo labadaa kelmadoodba waxay nala tahay in aan miiska la isla dhaafi karin,markaa waxaanu annagu caalamka u soo jeedinay oo aan qarsoonayn in Somaliland iyo Soomaaliya la wada hadalsiiyo oo miis beesha caalamku joogto la isugu keeno. Dal intaas oo doorasho qabsaday oo illaa maalintii uu xornimadiisa la soo noqday dhismayay oo shan madaxweyne is bedeleen oo goleyaal qaran oo dimuquraadi ku yimi sadex doorasho isku bedeleen ayaanu nahay markaa maanta ma nihin dal la odhan karo annaga ayaad naga mid tihiin.”

Wasiir Saleebaan ayaa taxay oo soo bandhigay shirqoolada dhaqaraysan ee dawladda Muqdisho ay kula kacday Somaliland, waxaanu yidhi. “arrimaha la yaabka leh ee dadka reer Somaliland liqi kari waayeen waxaa ka mid ah sida cadaawadda ah ee Soomaaliya maamulka Farmaajo u cuna qabataynayo Somaliland,waxaan ogayn sidii DPW ay uga kaceen ee illaa goleyaashoodu u ansixiyeen in aan la tegi karin Somaliland,waxaa laga wada dheregsan yahay ta ay ka dhigeen Hawada Somaliland,waxaan wada ognahay inta waraaqood ee ay caalamka u gudbiyeen waxaa ugu dambaysay imika oo ay Sucuudiga ku dirqiyeen in aan Somaliland xoolo ka dhoofin oo wali taagan markaa waxaas oo nolol u quudhi waa ah ayaa mar kasta ka imanaya dhanka Soomaaliya,dadka Somaliland waxaa la tusayaa colaad raagtay oo aan naxdin lahayn marka loo eego in illaa maceeshada qofka lagala dagaalamo.”

Wasiirka, ayaa sawir ka bixiyay wixii la odhan jiray Soomaaliya waxaanu sheegay in muhiimadu ay ahayd in shan Soomaaliyeed la isu keeno, waxaanu yidhi. “waa la wada oghayay in ay jirtay wax la odhan jiray shanta Soomaaliyeed oo la isla doonayay sida la isugu yimina waa la ogyahay oo ku noqon maayo,sidaanu ula soo noqonay xornimadayadiina wax muran ahi maanta kama jiro,wasiirku wuxuu yidhi sharciga ayaa laga eegayaa, dadka Somaliland waxay leeyihiin dastuur dadku u codeeyay oo 100%97 ay ugu codeeyeen inay noqdaan dal madaxbannaan oo beesha caalamka ka tirsan,waxaanu aqoonsannahay oo xuduudihii gumaysigu ka tegay ee qaarada afrika ee lagu go’aamiyay in aan waxba laga bedelin shirkii midawga afrika ee 64-kii. Farmaajo wuxuu doonayaa dadkii adeerkii xabbada ku xasuuqay in uu isaguna qalin ku xasuuqo markaa siduu wada hadal u imanayaa iyadoo Soomaaliya ay caddaysatay cadaawadda ay u hayso Somaliland.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply