Xisbiga WADDANI oo Jawaab Adag ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Soomaaliya

0
427

Hargaysa (Dawan)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa jawaab adag ka bixiyay ficilada cadaawadeed ee Soomaaliya kaga imanaya Somaliland, isla markaana caddeeyay in ay si buuxda u garab taagan yihiin Madaxweynaha qaranka Somaliland iyo weftiga ballaadhan ee uu hoggaaminayo ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Guinea oo martiqaad rasmi ah madaxweynaha iyo weftigiisu ay ka heleen kuna joogaan.

Waxaa kale oo xisbiga Waddani uu meesha ka saaray in asxaabta qaranka ay ku kala aragti duwan yihiin difaca qarannimada iyo raadinta aqoonsiga Somaliland, waxaanay si wayn u bogaadiyeen safarka Madaxwynaha qaranka iyo xubnabaha ku wehelinayaan ay ku joogaan dalka Guinea oo ay ku tilmaamen in uu yahay safar guul u ah qaranka Somaliland.

Xoghayaha Arimaha dibedda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Marwo Faadumo Siciid oo shalay warbaahinta la hadashay, ayaa intaa ku dartay in dawladda taagta daran ee Soomaaliya ay caddaysatay cadaawadda ay u hayso shacabka iyo dawladda Somaliland, isla markaana Soomaaliya iyadoo aan marnaba ka garaabin dhibaatooyinkii ay ka gaysatay Somaliland ee dad iyo maalba lagu baa biiyay in ay wali ku taagan tahay jidkii cadaawadeed ee ay u haysay Somaliland.

Marwo Faadumo Siciid oo arrimahaa ka hadlaysayna waxay tidhi “Sida aynu wada ogsoonahay Siyaasada Arimaha dibedda ee Somaliland waxyaabo ayaa iska bedelay, waxaana soo ifbaxay nacaybka iyo nolol u quudhi waaga ay u qabaan Somaliland maamulka ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya, walina may qiran Soomaaliya dagaalkii xasuuqa ahaa ee ka dhacay Somaliland, waxaana dibedda usoo baxay nacaybkoodii iyo xumaantoodii adduunwaynihii oo dhan ayaa maanta ogaaday. Madaxbannaanideenii ayaynu haysanaa qarankeenii iyo calankeenii ayaynu haysanaa, adduun waynaha ayaana inoo ogsoon.”

Xoghayaha Arrimaha dibedda xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Marwo Faadumo Siciid oo hadalkeeda sii wadata, ayaa intaa ku dartay “Waxaan ku hambalyaynaynaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi safarkaa uu ku tegay dalka Guinea waanan ku garabtaagannahay wax kasta oo qaranka u soo kordha, dagaal iyo difaacbana diyaar ayaan u nahay, wax kasta oo looga baahanyahay. waanu ku garabtaagannahay haddaanu nahay Xisbiga Waddani waxaanu nahay mid marka aanu ka hadlayno qarannimada Somaliland marka ay difaaceeda noqoto waxaynu nahay mid marka aynu aqoonsiga raadsanayno waxaynu nahay mid, laakiin gudaheena iyo sida aynu doorashada u qabsanayno taasi waa gaar saddexda xisbi qaran waa mid kaliya marka laga hadlayo arimaha dibedda.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply