Xukuumadda ka Jawaabtay Go’aankii Soomaaliya ka Qaadatay Dalka Guinea

0
412

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay go’aankii dawlada aan iskeed isu maamuli nee Soomaaliya shalay ku sheegtay inay xidhiidhka u jartay dawladda Gini, ka dib markii dalkaa lagu soo dhaweeyay wefti uu hoggaaminayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalkaasi.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Dr. Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in arrintan Soomaaliya ku talaabsatay ay tahay, maangaabnimo aragti la’aani ku dheehan tahay.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in arrintani ay keeneyso in Somaliland iyo Soomaaliya aanay dib wax wada hadala isugu iman doonin.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Dr. Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Arrintaasi waxa aanu u aragnaa in ay tahay maangaabnimo aragti la’aani ay ku dheehan tahay oo aad moodid in ay ku qanacsan yihiin in Somaliland ay u xidhan tahay, nasiib darro waxaa laga yaabaa in aanay ogeynba oo aanay horeba u dareen saneyn oo ay imika ku baraarugeen, in Somaliland in dalal badan oo caalamka ah ay cilaaqaad la leedahay, Africa, Bariga Dhexe, iyo Yurub oo meel walba ka jira, marar badan oo horena meelo badan loogu soo dhaweeyay, oo nidaamyadda loo baahan yahay oo dhan ay heshay, waxaanu u sheegaynaa in Somaliland horena ugu xidhneyn imikana u xidhnaaneyn hadii ay sidaasi u dhaqmaana in qaar badan oo Afrika iyo caalamka ahba ay ku kala tagayaan oo cilaaqaadkoodu sidaasi ku baaba’yo”

“Tanina waxaa ay noo cadeysay in ay bilowday cadaawad iyo kala fogaanshiyo inay heerkaasi gaadhsiiso oo caalamkii cidii aanu wada hadleynay ama aanu xidhiidh wada laheyn ay ku talaabsato inay tidhaaho cilaaqaad baan u jarayaa, waxaa aanu u aragnaa cadaawad,” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), waxaanu intaasi raaciyay “Maalin dhaweyd ayaa leysu kaaya keenay oo la doonayay in aanu ka wada hadalno cilaaqaad iyo wixii xidhiidha ee aanu yeelan karno waa ay gooyeen, maantana tan ayay ku dareen dagaalkaasi cad markaa waxaanu cadeyneynaa in ay bilaabeen in aanan dib isugu imaan karin, cida la kari waayay ee khilaafka iyo wixii aanu isku diidanahay ka wada hadalno cida laga waayay waa iyaga, maanta waxaa ay gaadhay in ay tidhaaho cidii nala hadasha xidhiidhka ayaanu u jarney.”

Dhinaca kale, weftigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ee booqashada ku joogay magaalada Conakry ee dalka Guinea ayaa sheegay in aanay dawladda Muqdisho waxba u dhimi karin cilaaqaadka iyo iskaashiga u bilaabmay dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo jamhuuriyadda Guinea.

Wasiir Faratoon wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu la kulmay madaxweynaha Jamhuuriyadda Guinea Alpha Conde oo ay ka wada hadleen qoddobo badan oo ay labada dal iska kaashan doonaan. Waxa kaloo uu xusay in Weftiga Madaxweyne Muuse ay is arkeen masuuliyiin badan oo ka tirsan Xukuumadda Guinea.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland wuxuu Xukuumadda Farmaajo ku tilmaamay mid iyada la ilaaliyo oo aan wax yeeli karin Somaliland iyo dalalka kale ee ay xidhiidhka diblomaasiyadeed la sameynayso.

Wasiir Faratoon waxa kaloo uu u mahadceliyey Dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan gobollada dalka ee soo dhaweeyey isla markaana garab istaagay socdaalka Weftiga Madaxweynuhu ku tagay dalka Guinea.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply