Warbaahinta Guinea: Somaliland Waxay Muunaysay Madaxweyne Alpha Conde iyo Calanka Guinea

0
512

CONAKRY (Dawan)- Warbaahinta Jamhuuriyadda Guinea ayaa baahisay sida shacbiga reer Somaliland u muuneeyeen isla markaana caasimadda Hargeysa ay u qabsadeen sawirrada Madaxweyne Alpha Condé iyo calanka dalkaasi. Kadib markii dawladda Guinea ay meeqaam iyo hab-maamuus aad u sarreeya ku soo dhaweysay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee booqashada ku tagay toddobaadkii hore Magaalada Conakry.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu qoray Warsidaha Mediaguinee.org, oo faahfaahiyey sida shaaricyada Hargeysa loogu sharraxay sawirrada Madaxweynaha Guinea iyo calanka dalkaasi.

Shabakadda Mediaguinee.org waxay intaas ku dartay in Madaxweyne Alpha Conde oo kaliya aanay muwaadiniinta reer Somaliland u mahadcelin, hase ahaatee ay bogaadiyeen shacbiga reer Guinea oo dhan.

Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisii ayaa habmaamuuskii ugu sareeyey loogu qaabilay dalka Guinea, Waxaana weftiga Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumadda Guinea isku raaceen sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi Ganacsi iyo mid Dhaqaale, taasi oo sas iyo walaac ku abuurtay Xukuumadda maqaar-saarka ah ee Soomaaliya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply