“Ragna Xabbad Buu Keenaa Ragna Waxqabad ayuu Keenaa” Wasiir Ku Xigeenka Gaadiidka oo Bulshada Dhahar Fagaare Kala Hadlay

0
381

Dhahar (Dawan):- Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horunarinta jidadka Somaliland Sahal Maxamed Jaamac iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ku maraya gobolada bari ee Somaliland,ayaa gaadhay magaalada Dhahar ee gobolka Badhan.

Wasiir ku xigeenka iyo weftigiisa oo socdaalkoodu la xidhiidho u kuur galka xaladda nololeed ee dad iyo duunyo ee deegaanada ay marayaan iyo baahiyaha ka jira soo qiimayntooda siday u kala mudan yihiin si wax looga qabto, ayaa markii ay gaadheen degmada dhahar ee gobolka Badhan halkaa si wayn loogu soo dhaweeyay islamarkaana aanay soo dhaweynta weftiga wasiir Sahal hoggaaminayo aanay u kala hadhin guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Dhahar.

Wasiir ku xigeenka oo soo dhawayntaa ka dib dadwynaha degmada Dhahar kala hadlay fagaaraha magaalada ayaa uga warramay ujeedada socdaalkooda iyo siday xukuumaddu diyaarka ugu tahay in ay bulshada Dhahar xog waraysato isla markaana baahiya jira siday u kala mudan yihiin wax looga qabto.

Waxa kale oo uu wasiirku intaa raaciyay in deegaanka nabdoon yahay isla markaana Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso nabad gelyada gobolka Badhan ee ay ka tirsan tahay degmada Dhahar, waxaanu bulshada u iftiimiyay in Somaliland dadka noloshooda iyo wanaagooda iyo horumarkooda ay ka shaqaynayso doonaysana in gobolka Badhan uu soo gaadho gobolada kale ee Somaliland.

Wasiir Sahal oo fagaaraha Dhahar kummanaan dadweyne ah kula hadlayay, ayaa yidhi. “waxaanu idiinku nimi,waxaa la yidhi nin ku jeccelina xogtaa og nin ku necebinna xogtaa og in aanu xogtiina ogaano bal waxaad ku nooshihiin,dababadeedna aanu wax idinkala qabano wixii aanu wax ka qaban karno duruufaha jirra ALLE ayuunbaa wax qabtee,waxaan leeyahay dadkeyga wanaagsan ee reer dhahareed,ee aadka u jecel nabadda iyo islaaxa,intii agagaarkeenna dhibaatooyinku ka dhacayeen innagu waxeynu ku noolayn nabad,war indhaa dhaama nin kastaaba waxa uu idiinku beegan yahey waa la yaqaan annaga waad na garaneysaan cid noo kiin sheegaysaana majirrto, dhisme dugsi iyo wax wax laga qabto oo danguud ah intayaddaa wada socottaa aniga iyo Axmed iyo Muuse waa intii ka shaqeyn jirtey, danta guud ragna xabadbuu keenaa ragna waxqabad buu keenaa, markaa idinkaa noo garnaqi doona annagu hurumar iyo wanaag ayaanu ku tartami doonaa,kuna tartami maynno dhiig iyo qori faraha lagu sito.”ayuu yidhi wasiir sahal.

Wasiir Sahal oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray.”annagu waxaanu ka nimi caasimaddii Somaliland ee Hargeysa madaxweynaheena Somaliland Muuse Biixi waxa uu isoo farey inaan sallaan ka gaadhsiiyo dadweynaha degmada Dhahar waxa uu yidhi salaan iga gaadhsii,gobolka sanaagna iga gaadhsii,waxaanu yidhi anagu nabadbaan idiin haynaa iyo waxqabad waxn waanu idinla qabanaynaa hay,adahana waan idiin keenaynaa,inagu waxaynu ku naallaa xadkii waxaynu la daris nahey qolladaa walalaaheen ee reer Puntland,waxaan leeyahey yaynaan isku mashquuline anagu nabeddbaanu wadnaaye nabaddaa nagala shaqeeya.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply