Xildhibaan Kijaandhe oo Bulshada Kula Taliyay In aan Cadawgu Kala Qayb-qaybin Fidnada Ceel Afweyn Xalkeeda in Loo Midoobo

0
417

Hargaysa (Dawan):- Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe,ayaa bulsahda reer Somaliland usoo jeediyay in aan cadawga Somaliland neceb ee horumarkeeda diiddani in aanu hadal naxli ah ku soo dhex tuurin oo aanu kala qayb qaybin isla markaana aanu cadawga dalka iyo dadka Somaliland in aanu jaanis ka dhigan dadka uu ku kala qayb qaybiyo fidnada camal shaydaanka ah ee naxdinta badan leh ee ka soo noq noqotay Ceel-afweyn.

Waxaanu intaa ku daray in loo baahan yahay in loo midoobo wax ka qabashada iyo doonista xalka kama dambaysta ah ee arrinta colaadda soo noq noqotay sababtay ee dadka badani ku dhinteen ee ka dhex taagan labada beelood ee walaalaha ah ee deegaanka degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Waxaa kale oo uu sheegay in Somaliland ay marayso meel aad u wanaagsan isla markaana uu bidhaamayo aqoonsigii Somaliland isagoo u mahad celiyay golaha deegaanka magaalada Brigham ee dalka Ingiriiska oo aqoonsaday Somaliland.

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi.“Waxaan ka seexan waayay mashaqada ka dhacday Ceel-afwayn waxaanan soo jeedinayaa in aan laynagu kala qaybin colaadda ka dhacday deegaanka Ceel-afwayn gudaheena yaan lagu soo celin yaan cidna loo aanayn,innagoo gacmaha is haysana hallaga arrinsado dariiqii aynu haynay yaan laynagaga leexin waxaynu usoo dhimanaynay in aynu dawlad noqono oo aynu gooni isu taagno ma waxaynu dib ugu noqonaa ninkaa innaga daba qaylinaya, Maxamed Kaahin masuul kama aha gudaheena yaan lagu soo celin waxa la doonayaa in laynagu kala qaybiyo.innagoo midaysan maatideena aynu kala ceshano oo gacanta aynu ku qabano arrintaa Ceel-afwayn waana in la waajahaa halka arrinku ka imanayo”.

Xildhibaanka oo ka hadlayay aqoonsiga Somaliland oo uu tilmaamay in ifafaalihiisii uu muuqdo isla markaana uga mahad naqay golaha deegaanka magaalada Brigham ee boqortooyada Ingiriiska oo aqoonsatay madaxbannaanida Somaliland,ayaa yidhi “waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa Golaha Deegaanka Brigham oo laynaga ictiraafay waxa dhacayaana waxay ii sheegayaan wax wanaagsan waxa soo muuqday in Somaliland wax usoo socdaan dabaylihii ictiraafka ayaa dhacaya waana la ictiraafayaa Somaliland loogana soo dhaqaaqi maayo dibna loo noqon maayo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply