Qorshe lagaga Arrinsanayay Gurmadka Masiibooyinka Dabiiciga Ah oo la Daahfuray

0
380

Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha hay’adda u diyaar garowga aafooyinka iyo keydka raashinka Qaranka mudane Faysal Cali Sheekh ayaa daahfuray kulan lagaga arrinsanayay qorshaha gurmad ee heer Qaran, gaar ahaana xiliyada ay jiraan aafooyinka dabiiciga ahi.

Kulan oo socon doona muda laba cisho ah ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa sidii loo soo saarilaha buug habraaca iyo xogo.

Gudoomiyaha hay’adda u diyaar garowga aafooyinka iyo keydka raashinka Qaranka mudane Faysal Cali Sheekh ayaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay kulankan iyo ujeedadiisa waxaanu yidhi “Ujeedada ugu weyn ee aanu shirkan u qabaney kaasi oo aanu ku martiqaadney hay’addaha caalamiga ah oo aan had iyo jeer aad iyo aad ugu mahadnaqayo iyo kuwa maxaliga ah ee hawshaasi ku foogan, umadeedanana taakuleeya, sidii leysugu dubaridilahaa sidii leysaga kaashanlahaa iyo buug la raaco iyo dumentiyo uga soo saari laheyn ayaa ujeedada ugu weyn ee aynu shirkani u qabaneynaa ay tahay, waxaanan aad iyo aad ugu mahad celinaya hay’adda OXFROM oo hawshani gacan weyn ka geysatay”

Gudoomiye Faysal isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaasi ku daray “Dhab ahaantii farxad ayay noo tahay wakhtiga fiican ee aad na siiseen, idinka oo mashquula itiina badani, in aynu maanta ka doodno xaaladda gurmad ama u diyaar garow ee aafooyinka ama dhibaatooyinka had iyo jeer inagu soo noq noqonaya, weynu la soconaaayo oo sanadihiin ugu danbeeyay, iyo wakhti horeba waxaa jiray dhibaatooyin iska soo daba noq-noqday oo dadka naftooda dhibaato u geysanayay, taariikh dheer ayay leedahay abaaruhu marka Somaliland la leeyahay, ilaa wakhtigii Ingiriiskii waa wax dhacayay runti, naaneyso badan ayaaney dadku u bixiyeen, sida Hargacuna, Hawaara, Daba-dheer, Haariya, aad ayay u faro badan yihiin, sababta magacaasi loogu bixinayayna waxa ay aheyd saameynta ay bulshadda ku laheyd, sidii uunbaaney wali u socotaa”

“Bulshaddeenuna maada aynu xoola dhaqato u badanahay nolosheenu waxaa ay ku leedahay waxaaney mar walba ku xidhan tahay roobabka iyo dhacdooyinka iska daba dhacaya, ee mar roob la waayayo marna roob la helayo saameyn weyn ayayna nolosheena ku leedahay”Ayuu yidhi gudoomiyaha hay’adda u diyaar garowga aafooyinka iyo keydka raashinka Qaranka mudane Faysal Cali Sheekh

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply