Wasiirka Gaashandhiga oo Booqday Xeryaha Ciidamadda Qaranka ee Hargaysa

0
462

Hargeysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), oo ay wehelinayeen saraakiil ka tirsan ciidamadda qaranka ayaa shalay booqday qaar ka mida xeryaha ciidamadda ee Hargaysa.

Waxaana wasiirka wehelinayay abaanduulaha koowaad ee ciidanka qaranka Somaliland sareeyo guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale, taliyaha qaybta 31aad gaashaanle sare Ismaaciil Faarax Cawaale Doolaal iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland ayaa kormeer ku tagay taliska qaybta 31-aad ee ciidanka qaranka kaasi oo ugu kuur galaya hanaanka iyo hab-sami u socodka hawlaha ciidanka.

Waxaanu wasiirku mid mid u soo kormeermay xeryaha ciidamada ee kala duwan ee gudaha caasimadda, isagoo halkaasi warbixin kaga dhagaystay abaan-duulaha ciidanka qaranka sareeyo guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa khudbad dhinacyo badana u jeediyay ciidamaddii uu kormeerka ugu tagey. Waxaanu yidhi “Maanta (shalay) waa ii farxadd in aan saraakiil iyo sarkaal xigeenadii iyo dableyba aan soo hor istaago.

Waxaan ku farax sanahay in ciidanku mar walba yihiin kuwa lagu gam’o isla markaana dhiigoodda u bixiya bulshadda reer Somaliland. Taliyihiinuna yahay jiida hore, cid kastoo reer Somaliland ah oo damca inay soo gallaan ka ilaalinayaya.

Mar walbana waxaanu ku farax sanahay agjoogiina iyo agtaagnidiina. Dhammaan bulshadda Somaliland na way idinku faraxsan tahay, waxaanan idiin rajeynayaa hadh iyo habeen in aad heegan u noqotaan dalkiina iyo dadkiina”.

Geesta kale Abaandulaha ciidamadda qaranka sareeyo guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale, ayaa wasiirka u sharaxay fadhiisimadda ciidamadu ay ku kala sugan yihiin ee gudaha magaalada Hargaysa

Isagoo arrimahaas ka warbixinayayna waxa uu yidhi “Wasiirku waxaa uu qorshaystay in aanu soo marno colalka taliska qaybta iyo colalka kale ee ku xeeran, sida Hubka-dhigista, Urrurka Miinadda, Ciidanka Godadka, Keydka, Hubka-dhigista inta ka joogta ee shaqada ku jirta.

Hoosadda, intiina in uu soo marro oo uu soo arko, waa shaqadii caadiga aheyd, ee ama wasiiraddu u iman jireen ama madaxda kale ee ka sareysa, barasho wanaagsan madaxweyne waxaa aanu kugu soo dhaweyneyna taliskii qaybta 31-aad ee isaga oo xoogiisu degan yahay dhul aan la xisaabi Karin inta uu isu jiro”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply