Xildhibaan ka Hadlay Farogelinta iyo Cadaawada Farmaajo u Hayo Somaliland

0
434

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaaan Maxamuud Ismaaciil Xasan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku ee deeyay madaxweynaha maamulka taagta daran ee Soomaaliya in uu ka shaqaynayo sidii uu cadaawad iyo nacayb uu u kala dhex dhigi lahaa shacabka Somaliland iyo shacabka Soomaaliya.

Maxamuud Xasan Ismaaciil oo shalay u waramayay wargayska Dawan ayaa waxa uu sheegay in dhabar jab uu ku noqday maamulka Soomaaliya safarkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku tagay wadanka Guinea, waxaana uu ku eedeeyay Soomaaliya in aanay diyaar u ahayn in si nabadgalyo ah u kala baxaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Maxamuud Xasan Ismaaciil oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan u arkaa safarkaa Madaxweynaha Somaliland ku tagay wadanka Guinea talaabo hore loo qaaday oo sumcad Somaliland u soo jiiday, dawlada taagta daran ee Soomaaliya safarkaasi waxa uu ku noqotay dhabarjab taas oo muujinaysa cadaawada ay u hayaan Somaliland iyo in aanay diyaar u ahayn in Si nabadgalyo ah ay u kala baxaan Somaliland iyo Soomaaliya. waxaana taasi dhaawacaysaa wadahadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya waxaana ay ka baxeen waxyaabo badan oo lagu heshiiyay oo ku jiray wadahadalada, markaa farogalin qaawan ayay ku haysaa Soomaaliya dalka Somaliland waxaana uu doonayaa maamulka Farmaajo oo uu ka shaqaynayaa sidii cadaawad iyo nacayb u kala dhex dhigi lahaa Soomaalida, waxaana aan usoo jeedinayaa maamulka Soomaaliya ee Farmaajo in ay faraha kala baxaan Somaliland oo ah dal xora oo qaranimadiisa la soo noqday”.

Xildhibaanku waxa uu sheegay duruufaha ku gedaaman qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada waxaana uu yidhi “Doorashada Golaha Wakiilada in wakhtigeedii ku qabsoonto dalka ayay u wanaagsantahay mushkilada dib u dhaca doorashadu maaha Golaha Wakiilada, waxa uu Golaha Wakiilada ku leeyahay dajinta xeerka doorashada Golaha Wakiilada mushkiladu waxa weeye duruufo ayaa ku xeeran qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada. waxaana ka mid ah Saamiqaybsiga kuraasta golaha wakiilada oo ay ahayd in xal loo helo, waxa kale oo ka mid ah Koomishanka Doorashooyinka aan heshiis lagu ahayn in ay qabtaan Doorashada, Xukuumadda iyo xisbiyada ayay u taalaa in lagu heshiiyo qabsoomida doorashada Golaha Wakiilada anaga meeli noogama bannaana waayo waxa aanu nahay golihii doorashadiisa la qabanayay”.

Sidoo kale Xildhibaanku waxa uu usoo jeediyay shacabka in ay u midoobaan farogalinta cadawga shisheeye ku hayo Somaliland. waxaana uu yidhi “Waxa aan usoo jeedinayaa shacabka Somaliland in ay u midoobaan farogalinta cadawga shisheeye inagu hayo, waana in ay ilaashadaan qaranimada Somaliland oo meel uga soo wada jeedsadaan, marka ay gudaheena tahay waa gaar sida aynu wax u kala riixanayno. waana in midnimada ay muujiyaan qof walbana nabadgalyada danbaa ugu jirta waxaana aduunyadu inagu majeertaana nabadgalyada ka jirta Somaliland oo aan ka jirin meelo badan oo aduunyada ka mida”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply