Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo Ka Hadlay Colaada Deegaanka Ceel-Afweyn

0
421

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ka hadlay colaada deegaanka Ceel-Afweyn ayaa sheegay in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo xisbiyadda Qaranku ay in badan ka shaqeeyeen colaadaa daminteeda, laakiin ay tahay mid soo noq-noqotay loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto.

Waxaanu gudoomiyuhu sidan ka sheegay soo dhaweyn ay jaaliyada Somaliland ee wadanka Sweden ee xisbiga WADDANI u sameeyeen.

Dhanka kale waxa uu xusay in daminta shaqaaqada labadaasi beelood aan loo kala hadhin, hadana ay ilaa hada jiitameyso, waxaanu tilmaamay in leysugu tagi doono talo qaranna laga qaadan doono.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Ciro isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Arrinta nabadgelyadda gaar ahaan Ceel-Afweyn waa ay soo noq-noqotay arrintaasi dhaliil faro badan ayay ku leeyihiin dadkaasi walaalaha ah ee gobolkaasi wada dega, Somaliland waxba kalamay hadhin, Wadaad, Xisbi, Xukuumadd, hadana arrintii inaga dhammaan weyday, markaa INSHA ALLAAHU reer Sanaag nabada waynu ku qasbeynaa doorkani oo weynu ku sanduleyneynaa, waaneynu isugu tageynaa anigu diyaar ayaan u aheyn markaan noqdo in aan Ceel-Afweyn tago.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply