Guddoomiyaha Sanaag oo ka Hadlay Nabadda iyo Sharci Darada Haysashada Hubka Culus

0
416

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro, ayaa caddeeyay in ka xukuumad ahaan iyo ka maamul gobolka Sanaag ba in ay ka go’an tahay in aan la arag ciidan beeleed iyo hub tikniko ah.

Guddoomiye Tiimbaro oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Ceerigaabo, waxaa kale oo uu ka hadlay nabad gelyada gobolka Sanaag oo uu sheegay in ay imika wanaagsan tahay, Guddoomiyaha oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Guud ahaan gobolka Sanaag wax shaqaaqo ah oo ka taagani ma jiraan, hordhicii hubkana waa la keenay, Caarrena odayaashiisii ayaa ku maqan iyo xidhayaashiisii oo aanu war ka sugaynaa arinta hore uga timina may xumayn oo waxa uu yidhi odayaashaa ayaan kalsoonidii siiyay.”

Guddoomiye Tiimbaro oo ka hadlayay haysashada hubka iyo siday uga reebban tahay gayiga Somaliland in aan ciidan dawladeed ahayn oo hubaysan lagu arko, ayaa yidhi. “Guud ahaan Somaliland gudaheeda waxa reebban beel ku haysata wax qori wayn ah oo tikniko ah gaadhi la saaray oo reer haysan karaana ma jiro. waxaanan leeyahay kii xasaystoow iska soo dhiib kii hore u keenayna wuu ku mahadsanyahay hawshaas waxaanu jecelnahay in ay naga soo afjarno,”.

Waxaa kale oo uu dadweynaha gobolka Sanaag u soo jeediyay in ay nabad gelyada wada illaashadaan, waxaanu idhi “Waxa iska jira dad xamaasad abuura oo maxaa hebel loo taabtay iyo maxaa loo weeraray iyo wax aan la garanayn ku hadla, marka Ceerigaabo laga hadlayo, waxaan leeyahay kuwa carruurta iyo dumarka soo abaabulaya ka waantooba taayir laamiga lagu gubaa waxba ma tarayso, markaa waxa aan ku waaninayaa in nabadda loo dedaalo ha laysku waaniyo itijaah qudha hala wada yeesho”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply