Wasiirka Jidadka oo Madaxweynaha Somaliland ka Difaacay eedo uga Yimid Xisbiga WADDANI

0
408

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Jamhuuriyadda Somalilnad mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa sheegay in siyaasada arrimaha dibada ee Somaliland ee sanadihii 2018 illaa 2019, ay aad u nasiib badan tahay, hase ahaatee qofka ka xun horumarka qarankani gaadhay ay isaga si xun ula muuqaneyso.

Sidoo kale wasiirku waxaa uu sheegay in xoghayaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI uu yahay wakiilka rasmiga ah ee dawladda Soomaaliya u jooga Somaliland, isla markaana uu magaca xisbiga WADDANI iskaga shaqeysto.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan oo arrimahaasi ka hadlayay waxa uu ugu horreyn farta ku fiiqay in halkii ugu nasiibka badneyd ay mareyso siyaasadda arriamaha dibada ee Somaliland waxaanu yidhi “Dawladnimadu waa nidaam wada shaqeeya, siyaasadda arrimaha dibada ee Somaliland ee sanadihii 2018-2019 waa wakhtigii ay ugu nasiibka badneyd, laakiin qofka aan la dhacsaneyn si xun uun bay isaga ula eekaaneysaa, inta wasiir ee inoo timid, inta safar ee uu galay madaxweynuhu, inta wadan ee la tagey, dhamaan waxa ay cadeyneysaa in siyaasadda arrimaha dibada ee Somaliland ay aad u fiican tahay, sidoo kale waxaa aanu imika rajeyneynaa in dhawr qunsuliyadood laga furi doono gudaha magaalada Hargeysa, indhihii caafimaad qabanaa waa ay arkayaan, qofkii aan wanaaga Somaliland jecleynina si kale ayay isaga markasta ugu muuqaneysaa.”

Dhanka kale wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan waxaa uu si cad u sheegay in xoghaya xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI uu yahay wakiilka rasmiga ah ee Dawladda aan iskeed isu maamuli Karin ee Soomaaliya u jooga Somaliland isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Arrin dhaqaale kamaanan wada hadleyn wadanka Gini Conacary ee waxaanu ka wada hadleynay mid siyaasadeed, waa fiqiir kamanaan wada hadleyn ee waa dal Midowga Afrika ku jira, luuqada uu xoghayaha xisbiga WADDANI ku hadlay waa midkii ay dawladda Xamar ku hadleysay, wiilkaasina hore ayaan u sheegay waana wakiilka rasmiga ah ee Soomaaliya u jooga Somaliland, magacan xisbiga WADDANINA waa mid uu iskaga shaqeysto, marka masaaliix uu Xamar ku leeyahay uun buu halkan ku ilaashadda, waana caddaw Somaliland ku dhex nool marka wax kasta oo Somaliland u kordha isaga dhibaato ayay ku tahay, hadalkan uu leeyahayna waa mid Xamar laga soo dhiibay, hadal isaga kaligii ka yimid maaha, cida safarka madaxweynaha ka hadli kartaana waa xoghayahooda arriamaha dibaddda, Marwo Faadumo Siciid iyaduna aad iyo aad ayay u soo dhaweysay safarka madaxweynaha, afka Inankaasi uu ka hadleyna waa afkii ay ku hadleysay dawladda Xamar iyo cidii taageertaa, hadalkaasina waa mid jaban. Somaliland iyo wadamada caalamkuna waa ay og yihiin wadankaasi waxaa uu yahay, una maleyn maayo in hadalkaasi yahay mid meesha ku jira.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply