WEEDHA WARGEYSKA Weligeyo Sandulleyn Waa Ka Dirrirnaa

0
425

Farmaajo iyo inta uu ku adeegtaa wax badan kama garanayaan dhaqanka shacbiga Somaliland, waayo hadday yihiin kuwo aqoon fiican u leh marnaba kumay degdegeen inay qaadaan tallaabooyin wada sandulle ah oo beryahan dembe ay qaadeen Farmaajo iyo kooxdiisu, waxana ugu dembeeyey tallaabadii ay isku dayeen inay ku xanibaan Markabkii Xoolaha ee ka ambabaxay Dekedda Berbera, una baqoolay xagga dalka Sucuudiga oo ahayd meesha xoolaha loo iib geeyey.

Tan waxa ka sii horreeyey kuwa kale oo badan oo ay ka mid tahay tii ay xidhiidhka ugu jareen dalka Guinea, taasoo ka dembeysay booqashadii rasmiga ahayd ee ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayaa ku tageen dalkaas. Waxa uu Farmaajo ka qaaday maseyr ka xun ka dumarka, markuu indhihiisa ku daawaday habkii heerka sare ahaa ee Madaxda Sare ee dalka Guinea ugu soo dhaweeyeen Madaxweyne Muuse Biixi iyo wafdigiisa, waxayna cadhadii uu ka qaaday gaadhsiisay heer uu markiiba ku dhawaaqay, inuu xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee uu la lahaa dalkaa oo ahaa mid aan horeba u jirn uu yidhaa waan u jaray, taas oo iyana noqotay mid ay bulshada Caalamka intooda badan aad ula yaabeen.

Arrimaha ay Farmaajo la tahay inuu dadka iyo dawladda Somaliland ku sandulleyn karo, waa tiro badan yihiin tan iyo waqtigii uu xilka kala wareegay Madaxweynihii ka horreeyey Xasan Sheekh Maxamuud, waxana ka mid ahaa dhacdooyinka sandulleynta Somaliland ee Farmaajo oo ka sii horreeyey labada aan soo xusnay tii Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Kiiniya ku sheegtay inay Xafiis Diblomaasiyadeed ka furaneyso Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Haregeysa. 

Waxa uu Maamulka Muqdisho ee Farmaajo markiiba kaga jawaab celiyey inuu qaado tallaabooyin ka dhan ah dalka Kiiniya oo isugu jira dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda, isagoo ku dhawaaqay inuu joojiyey Jaadkii uga iman jiray dalkaasi iyo sidoo kale inay joojinayaan ka qeybgalka dhammaan shirarkii arrimaha Somaaliya ee ay hay’adaha Caalamiga iyo kuwa Qaramada Midoobay ku qaban jireen magaalo Madaxda Kiiniya ee Neyroobi. 

Dhammaan tallaabooyinkaa Farmaajo ka qaaday dalka Kiiniya kuwa u dhigma oo kaga darran ayey Dawladda Kiiniya iyana dhinaceeda kaga jawaab celisay, sida Fiisaha dal ku-galka oo ay ka joojiyeen mas’uuliyiinta heer Qaran ee Muqdisho oo ay ku siin jireen Madaarka Neyroobi, ganacsigii xuduudaha u kala gudbi jiray labada dal iyo Diyaaradaha ka soo duula Somaaliya oo iyagana ay ka mamnuuceen, inay si toos ah u soo fadhiistaan garoonka Caalamiga ee Joomo Kiniyaata, iyagoo loo leexiyey dhiinaca Wajeer.

Wax korodhsadii Farmaajo iyo kooxdiisu, waxa uu ku dembeeyey wax beel, waxanu xinkii iyo xasadkii uu la daba socday reer Somaliland la galay meel cidhiidhiya oo uu haatan raadco ugu jiro sidii uu isaga furdaamin lahaa, waxanu arrintan xalkeeda ula baryo tegay Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya oo uu ka codsaday inuu isku keeno oo weliba sida la sheegay dhexdhexaadin ka galo arrimo uu ku degdegay oo dhinaciisa ka yimid oo ay isku khilaafeen isaga iyo Uhuru Kiiniyaata.

Isku soo wada duub oo arrimaha aan kor ku soo sheegnay iyo kuwa kale oo badan oo ka horreeyey oo wada cadho ururtay ahaa, waxay ahaayeen tijaabooyin uu ku doonayo Farmaajo inuu sanka kaga tolo dawladda iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland. Haseyeeshee waxa ay kaga fal celiyeen dadweynuhu inay si wada jira uga dagaal galaan, una mariyaan dareenkooda baraha kala duwan ee Warbaahinta bulshada, iyagoo u muujiyey cadowgooda mawqifka ay ka taagan yihiin jiritaanka Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale waxay ugu caddeeyeen Farmaajo iyo saaxiibadii, in aanay ahayn dad arrimahooda sandulle lagu qawlal maroojin karo, balse ay yihiin kuwa ka sii qaada firfircooni iyo inay wada jir dagaal ugu qaadaan cid kasta oo isku deyda inay sanka ka tosho waxa aanay geyin, isla markaana aanay ka hadhin Illaa ay dabada kaga dhacaan, waayo horena umay dhicin, maantana dhici-meyso in Farmaajo ku sanduulleeyo midnimo adeerkii aakhiro u diray. 

Duruusta dibbaa loo daalacdaa si aad waqtiga imtixaanka u guuleysatid, sidoo kalena taariikhda dib ayaa loo dhugtaa, si aanad u gelin khalad la mid ah kuwii hore uga dhacay dunida, sidaa awgeed waxan kula talineynaa Farmaajo iyo kooxdiisa xanaaqa cirka martay markay maqlaan [ALLAAHU AKBBAR] inay dib u eegaan taariikhihii hore ee Somaliland oo ay ugu dembeysay tii Taliskii Siyaad Barre ee damcay inuu sandulleeyo oo iska horkeeno bulshada reer Somaliland iyo wixii laga dhaxlay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply