Xildhibaan Madaxweynaha ka Codsaday Joojinta Wadahadkii Somaliland iyo Soomaaliya

0
443

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan Dayib Xasan Boobe oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa madaxweynaha Somaliland ka codsaday in uu goleyaasha qaranka ee wakiilada iyo guurtida in uu u soo gudbiyo joojinta wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaanu xildhibaanku taa ku sababeeyay in Soomaaliya ay Somaliland u caddaysatay dagaal joogto ah iyadoo Somaliland 28 sanno ahayd dal xor ah oo madaxbannaan.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in tallaabo qaran laga qaado cid kasta oo Somaliland u dhalatay oo Soomaaliya xil shaqo u doonata oo ka mid noqota maamulka Muqdisho ee cadawga ku ah Somaliland.

Xildhibaan Dayib oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan u soo jeedinayaa oo aan ka codsanayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in uu u soo gudbiyo Golayaasha Baarlamaanka ee Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida in la joojiyo wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, mar haddii Soomaaliya waraaqo ku joojinayso Xoolaha Somaliland wax dhici karana maaha dal 28 sannadood haystay xornimo, maaha mid waraaq yari wax ka qaadayso maaha Somaliland. waxaanan soo jeedinayaa in la xukumo dadka Somaliland ka soo jeeda ee u shaqo tegay ee xilka u doontay Xamar marka ay soo noqdaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply