Xukuumadda oo Caddaysay Sida Keliya ee ay ku Furmi Karaan Wada Hadalka Somaliland iyo Soomaaliya

0
444

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland, ayaa caddaysay sida keliya ee ay ku iman karaan, isla markaana dib ugu qabsoomi karaan wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya oo gabi ahaanba istaagay markii uu talada Soomaaliya la wareegay Madaxweyne Farmaajo oo wada-hadalkii labada dal u socday ku bedelay dagaal cadaawadeed oo uu ku soo qaaday Somaliland.

Waxaa kale oo xukuumadda Somaliland ay caddaysay ujeedada ay ka leedahay wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo ah in Soomaaliya ay garawsato madaxbannaanida Somaliland isla markaana ka guurto riyada ah Somaliland waa qayb Soomaaliya ka mid ah.

Waxaanay xukuumadda Somalland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi wax lala yaabo ku tilmaantay xubno madaxweynaha Muqdisho uu magacaabay oo uu ku sheegay in ay yihiin xubnaha Soomaaliya ku metelaya wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, taas oo Somaliland ay meesha ka saartay wada hadal dib u bilaabma inta maamulka Muqdisho uu wado dagaalada, siyaasadeed, dhaqaale iyo dublamaasiyadeed ee maamulka taagta daran ee Xamar uu ku hayo Somaliland.

Waxaa kale oo xukuumaddu ay caddaysay in wada hadal uu dhex maro laba dhinac oo diyaar u ah in ay wada hadlaan isla markaana dhinacna aanu wadin colaad ka kale lid ku ah, laakiin dawladda Soomaaliya in ay dagaal nolol u quudhi waa ahna ay Somaliland ku soo qaado hadana magacawdo guddi wada hadal ayay Xukuumadda Somaliland ku tilmaantay dhalanteen iyo indho sarcaad maamulka Muqdisho caalamka tusayo.

Waxaa kale oo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse biixi Cabdi uu u caddeeyay mawqifka Somaliland ay ka taagan tahay wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo in Somaliland ay diyaar u tahay in ay ku garnaqsato gole caalami ah oo Beesha caalamku qayb ka tahay oo ay kula garnaqsato Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland oo lagaga jawaab celiyay gudida Farmaajo magacaabay, ayaa u dhignaa sidan

“Guddida uu shalay(dorraad) magacaabay madaxweynaha maamulka Muqdisho nuxurka hawsha uu u igmaday waxaay ahayd laba qodob, kuwaas oo kala ah:

  1. In xal waara oo midho dhal ah laga gaadho tabashooyinka walaalaheenna Somaliland.

Waxa wanaagsan in qofka masuulka ah carrabkiisa iyo camalkiisu is waafaqaan, tan iyo intii maamulka Farmaajo talada dalkaasi Soomaaliya qabtay, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland kusoo qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad. Sidaa awgeed isma qabanayso ficilladaada cadowtinimo iyo tiraabta weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi waa Ilmadii Yaxaaska.

Jamhuuriyadda Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhay waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya fagaare caalamiya oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse maamulka cadawga ah ee farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dal ayaa noo dhexeeya. Caqliga saliimka ahina wuxu dhigayaa inaan cadowga loo caban ee layska celiyo

  1. Qodobkiisa labaadna wuxu u dhignaa xaqiijinta mabaa’diida Federal-ka.

Jamhuuriyadda Somaliland ma quseeyo hawlaha Federal-ku, dib u xasuuso taariikhda 1960-kii waxaynu ahayn laba dal oo kala madax bannaan caalamkuna aqoonsan yahay, islamarkaana ku midoobay baadi-goobka shantii Soomaaliyeed, balse 1991-kii midowgaasi wuu burburay, illaa 1991-kiina waxa aynnu nahay laba dal oo kala madax-bannaan, waxana tihiin Federal-ka Soomaaliya, annaguna waxannu nahay Jamhuuriyadda Somaliland, idinka ayuu Federal-ku gaar idiin yahay.

Sidaa daraadeed, magacaabidda guddidaas waxa ka muuqda gef siyaasi ah, Somaliland-na wixii gudaheeda ah iyadaa dhammaysata, cadowgeedana waxa ay u jawaabtaa iyada oo midaysan, muwaaddinka Somaliland-na kama suurowdo inuu gadhwadeen u noqdo cadowga dalkiisa.

Haddaba, Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay qabsoomi karaan keliya marka ay Soomaaliya garwaaqsato in midnimadii labada dal ay burburtay 1991-kii, illaa maantana aynu nahay laba dal oo kala madax-bannaan muddo 28-sanno ah jaarnimo kaliya wadaaga.

Dhinaca kale Madaxweynaha qaranka oo qasriga madaxtooyada Somaliland ku qaabilay Safiirka Cusub ee Midawga Yurub u Qaabilsan Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martínez, ayaa u caddeeyay wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya sida keliya ee uu ku qabsoomi karo iyo in Somaliland ay diyaar u tahay fagaare cad oo beesha caalamku goob joog ka tahay in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadalkoodu uu ku qabsoomi karo oo keliya, waxaa kale oo Madaxweyne Muuse Amb. Nicolás Berlanga Martinez. Uu warbixin ka siiyay horumarka Somaliland iyo halka ay marayso, dimuquraaddiyadda iyo arrimaha doorashooyinka wakiilada iyo goleyaasha deegaanka

Waxaa kale oo kulankaa lagaga wada hadlay kaalmada ay Midawga Yurub siiyaan Somaliland iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Somaliland iyo Midawga Yurub.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply