“Ninka Maanta ku Riyoonaaya inay Somaliland Ku Noqonayso Soomaaliya Waa Nin aan Habeen Jirin” Cabdiraxmaan Saylici

0
453

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo beesha caalamka kula hadlaayey xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaa farriin u diray Soomaaliya waxaanu ugu baaqay inay danahooda ka tashadaan oo ay iska iloobaan ta Somaliland. “Somaliland ninka maanta ku riyooyana inay Soomaaliya ku noqotaana waa nin aan habeen jirin, taas ayaan qabaa annigu runtii hadduu nin reer Somaliland u dhashay yahay iyo hadduu cidda kale ee dibada inaga joogta yahayba, maanta Somaliand iyo Soomaaliya meel ay iskaga noqdaan ma jirto laba qaran oo kala socday noqdeen, qaran taaba galay iyo qaran wali soddon kaa sanno burbursan waxaan leeyahay umadda reer Somaliland nabad gelyadeeda iyo horumarka ay gaadhay ha ilaashato, iyagana waxaan ilaahay ka rajaynayaa in dhibaatada iyo dabkaa haysta Ilaahay ka bakhtiiyo oo ilaahay tawfiiqda dhexdooda usoo cesho, markaa waxaan leeyahay idinku tiina ka tashada oo taayada iska daaya”

Dhanka kale Madaxweyne ku ixgeenka Somaliland ayaa shacabka reer Somaliand ugu baaqay inay barbar joogsadaan cidkasta oo wadda wanaag iyo wax ummadda dan u ah wuxuuna yidhi “Waxaan leeyahay Ummadda reer Somaliland waxaan soo dhisnay qaran aan gacmaheena kusoo dhisnay oo aynu isugu soo geynay maskaxdeenii, muruqeenii iyo maalkeena, waxaan ku baaqayaa ummadda reer Somaliland inay cidkasta oo reer Somaliand ah oo wax wanaagsan wadda in la garab galo”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply