Xukuumadda oo Mashruuc Biyood ka Hirgelinaysa Dhahar

0
601

Dhahar (Dawan)- Wasiirku Xigeenka wasaaradda Horumarinta Jiddadka iyo Gaadiidka Jamhuuriaydda Somaliland Mudane Sahal Maxamed Jaamac oo ku sugan Gobolka Badhan ayaa dhagax dhigay Mashruuca Biyo Gelinta Degmadda Dhahar ee Gobolka Badhan.

Mashruucan Waxaa fulinaysa Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii ay ka Jawaabtay dalab uga yimid Bulsho weynta ku dhaqan Degmadda Dhahar ee gobolka Badhan.

Maayarka Magaaladda Dhahar iyo Odayaasha deegaankaasi ayaa soo dhaweeyay Mashruucan biyo gelinta Magaaladda Dhahar waxayna sheegeen inay ku rajo weyn yihiin dhamaystirka Mashruucan oo kaalin mugleh ka qaadanaya horumarinta kaabayaasha arrimaha Bulshadda ee degmadda Dhahar.

Wasiirku Xigeenka wasaaradda Horumarinta Jiddadka iyo Gaadiidka Somaliland Mudane Sahal Maxamed Jaamac oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Magaaladda Dhahar oo Lix KM oo isku weer ah ku fadhida ay baahi u qabtay hirgalinta Ceel biyoodkan uu dhagax dhigay waxa uu xusay inay Magaaladdu hada leedahay dhawr ceel laakiinse aanay ku filnayn baahida bulshada ee dhanka biyaha Waxaanu intaas ku daray in Xukuumadda Somaliland culays xoogan saarayso sidii ay Magaaladda Dhahari u heli lahayd biyo ku filan oo ummada ka dhexeeya.

Wasiirku Xigeenka wasaaradda Horumarinta Jiddadka iyo Gaadiidka Somaliland Mudane Sahal Maxamed Jaamac oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Magaaladan Dhahar oo qiyaas ahaan ku fadhida Lix KM oo isku weer ah, marka la geliyo halkan ceel waxay u baahanaysaa ceelal kale, inkasta oo ay jiraan ceelal kale oo gaar loo leeyahay laakiin anagu ka xukuumad ahaan waxaanu taageerayna waxa caamka ah ee ay bulshadu wada leedahay. Sidaas ayaanan manta ku dhagax dhigayaa ceel biyoodkan oo ay yeelan doonto degmada Dhahar.”

Maayarka degmada Dhahar ayaa xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadnaqay mashruucan horumarineed ee laga hirgelinayo degmada waxaanu yidhi “Mashuucan oo ka mid ah mashaariicdii uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ugu talo galay gobolka iyo gaar ahaan degmada Dhahar ayaanu maanta dhagax dhigaynaa ceel-biyoodkan oo ay magaaladu baahi wayn u qabtay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply