“Somaliland way sii Wadaysaa Dedaallada Aqoonsiga, hadii Somaliya Neceb tahay iyo Haddii Kaleba” The East African

0
455

Dedaalada dhinaca diblomaasiyada ee Somaliland waddo ayaa waxa si dhow ula socota madaxda maamulka Soomaaliya, waxaana ay aad uga cadhaysan yihiin waddamo si weyn u soo dhoweeyey madaxda Somaliland. Todobaadkii la soo dhaafay Somaliya waxay magacowday guddi qaabilsanaan doonta wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, laakiin looma arko kuwa samayn kara isu soo dhoweyn marka la eego halka la kala taagan yahay.

Sida uu qoray wargeyska The East African Somaliland waxay wakhtigan aad u riixaysaa dedaallada aqoonsi raadiska, sida uu sheegay wasiirka arrimaha debbeda Somaliland “Somaliland waxay u baahan tahay aqoonsi’’. Isaga oo la hadlayey warbaahinta mudane Yasin Haji Mohamed waxa uu yidhi “Somaliland way sii waddi doontaa dedaallada lagu aqoonsanayo, haddii ay Somaliya jeceshahay iyo haddii kale’’.

Mudane Yaasin oo sii wada hadalkiisa waxa uu sheegay in Somaliland ay Somaliya kala shaqayn doonto arrimaha derisnimada iyo xuduudaha, laakiin la hayste uma noqon doono Somaliya’’. Waxa uu intaa ku daray in beesha caalamka ay ugu baaqayaan in ay wax ka qabtaan arrimaha aqoonsiga Somaliland.

Xukuumada Muqdisho ayaa beryahan werwer weyn ka qabta dedaallada Somaliland. Somaliya waxay markiiba collaadiyaan dalalka soo dhoweeya madaxda Somaliland. Dhowaan dalka Ginni ayey xidhiidka u jareen ka dib markii ay ku collaadiyeen qaabkii ay u soo dhoweeyeen Madaxweynaha Somaliland Muusa Biixi Cabdi oo booqday dalkaa. Bil ka horna Kenya ayey ku eedeeyeen in ay faro gelin ku hayaan ka dib markii halkaa uu booqday wafti uu hogaaminayo wasiirka arrimaha debbeda Somaliland. Sidoo kale dalal kale oo aan la magacaabin ayaa lagu eedeeyey in ay Somaliland wax la wadaan.

Sida The East African sheegay Soomaaliya waxay doonaysaa nidaamka Federaalka kaas oo uu muran ka jiro isaga laftiisa, waxaana jira shan gobol oo nidaam federaal ah ku samaysmay, laakiin way ka madax bannaan tahay nidaamka federaalka. Nin dimloomaasi ah oo ku dhow xafiiska Farmaajo, magaciisana qariyey ayuu wargeysku ka soo xigtay in Somaliland tahay Kiis gaar ah, sababta oo ah waxay ku dhowaaqday in ay ka go’day Somaliya ka dib markii ay jebisay Siyaad Barre sanadkii 1991, waxay leedahay dawlad shaqaysa, ciidan, lacag u gaar ah, waxaanay si joogto ah uga qayb qaadataa shirarka caalamiga ah.

Guddi uu u magacaabay wada hadallada ayaa waxa markiiba ka soo baxday qaylo dhaan, waxa ku jira xubno ka soo jeeda Somaliland, kulankii ka dhacay Turkiga ee socon waayey waxa lagu soo daray xubno ka soo jeeday Somaliland kuwaas oo Somaliland diiday, wakhtigana Farmaajo sidii oo kale ayuu sameeyey, waxaana diiday Somaliland. Dhinaca kale xubnaha la magacaabay waxay ka soo shaqeeyeen nidaamkii Siyaad Barre kaas oo dhibaato weyn u geystay Somaliland.

Qoraalka The East African oo ka hadlayey sida Hargeysi u aragto xubnaha loo magacaabay wada hadalka, waxa lagu tilmaamay in ay yihiin lugihii iyo indhihii nidaamkii Siyaad Barre. ‘’kuwani waa hadhaagii indhaha iyo lugaha u ahaa kali-taliyihii ku dhibaateeyey burburkii ku dhacay Somaliland, sidaa awgeed Somaliland wada hadal lama gelayso “dambiilayaal dagaal”, sidaas ayuu wargeysku soo xigtay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply