40 Sano Timihiisa Ma Xiirin, Mana Maydhin!

0
524

Dhamaan dadku waxay maydhaan timahooda isla markaana ay xiiraan, iyagoo iska ilaalinaya nadaafad darada. laakiin nin u dhashay dalka Hindiya oo lagu magacaabo Sakal Dev ayaa goostay in aanu timihiisa tin keliyana ka jarin isla markaana aanu maydhin muddo 40 sano ah sida lagu daabacay mareegta ( ladbible.com).

Mr.Dev oo 63 sano jiray oo degen gobolka Monjar ayaa sidoo kale aan cabin sigaarka iyo dhamaan daroogooyinka kala duwan, waxaana uu u muuqda muuqaalka guud qof nadiif. Odaygan ayaa Timihiisa ku qariyaa maro cad oo u eeg cumaamada marka kasta oo uu rabo inuu debeddda gurigiisa uga baxo madaama ay aad u dheer yihiin isla markaana isku urursan yihiin.

Odayga Mr.Dev ayay shaqadiisu tahay dhakhtar dhaqameed, dad badan ayaa dhulal kala duwan uga yimaadda si ay u arkaan timihiisa dheer ee dhulka jiidinaya, kuwaasi oo la gala sawiro xusuus ah oo wada galaan time dheere.  Ninkan ayaa ah oday xaas leh oo dhalay 6 caruur oo kala 3 hablood iyo 3 wiil, waa kale oo la nool oo 7 caruur ah oo uu awoow u yahay.

Gabadhiisa oo lagu magacaabo Robi ayaa iyana sheegtay in aanay waxa dhibaato ah ku qabin timihiisa dheer isla markaana uu yahay nin dabeecad wanaagsan.

Leave a Reply