Yaabka Xukun Ku Dhacay Gabadh Maraykan Ah!

0
543
Xaakinka Gobolka Ohai ee Maraykanka

Xaakinka Gobolka Ohai ee Maraykanka ayaa xukun yaab leh ku riday gabadh 18 sano jirtay. Gabadhan oo lagu magacaabo Victoria ayaa lagu eedeeyay inay bixin weyday kirada Taxi ka qaaday magaalada Kalefland oo gadhsiiyay Pasnsevilai.  Xaakinka ayaa gabadhan ku riday inay lugayso 48 Km, oo ah masaafaddii ay Tax-ga kiraystay, Kaasi oo muddo hal saac ah socday.

 

Waxa kale oo xukunka ku jira in muddo saddex maalmood ah ay ka shaqayso arimaha bulshada, isla markaana ay siiso shirkadda taxiga leh $ 100 doller.

Xaakinka ayaa sheegay in markii hore uu doonayay inuu ku rido xadhiga bil laakiin uu haddana sidan ka doorbiday. Xaakinkan oo lagu magacaabo Mickel Seikonti Wuxu caan ku yahay xukuno dadka ka yaabiya.

 

Leave a Reply