Wasiirka Caafimaadka oo Dawooyin ku Wareejiyay Cisbitaalka Guud ee Boorama

0
443

Boorama (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland mudane Cumar Cali Cabdillaahi iyo wefti uu hogaaminayo oo ay qayb ka yihiin agaasimha guud ee wasaaraddaasi, ayaa gaadhay magaala madaxda gobolka Awdal ee Boorama.

Wasiirku waxaa uu sheegay in ujeedada socdaalkoodu ay tahay mid ay goboladda dalka oo dhan ku soo marayaan, si ay xogogaal ugu noqdaan hab maamulka iyo maareynta caafimaad, taasi oo uu tilmaamay in haddii maamulku qaldamo adeeg bixinta bulshada la siinayaana ay qaldanaaneyso.

Waxaaney wasiirka iyo weftigiisu kormeer indha indheyna ku soo mareen goobaha adeega caafimaadka ee degmada ka jira.

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland mudane Cumar Cali Cabdillaahi ayaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay ujeedada socdaalkooda waxaanu yidhi “Ujeedada socdaalkayagu waxa weeye in aanu gobol kasta aanu marno, lana kulano maamulka gobolka ee caafimaadka iyo ka degmooyinka, islamarkaana aanu u kuurgallo habka uu u socdo maamulka iyo maareynta caafimaadku, haddii maamulka wax ka qaldan yihiin adeeg bixintu waa ay qaldanaaneysaa, waxaa aanu ugu tallo galney in maamulkii caafimaadka la wareysto dhibaatooyinka heystana la ogaado oo hadhaw marka mashaariicda la fulinayo lagu saleeyo baahida degmooyinka iyo xarumaha, markaa waxaa aanu Sidney boqol kartoon oo timir ah oo aanu ugu tallo galney qaybta xanuunka maskaxda iyo qaybta TB-da, labadaasi qaybood oo mihiima dadka jiifana ay yihiin kuwo inta badan tamar daran oo markasta u baahan in laga warhayo nafaqadooda iyo cunadooda, sidoo kale waxaa aanu sidnay daawo aan ugu tallo galney dhakhtarka si guud, waana dawooyin muhiima, ahna daawooyinkii uu dhakhtarku u baahnaa marka waxaan ku wareejinaya isu-duwaha gobolka ee wasaaradda caafimaadka”

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland mudane Cumar Cali Cabdillaahi ayaa intaasi raaciyay in loo baahan yahay ka war heynta shaqaalaha wasaaradda u shaqeeya iyo tayadooda waxaanu yidhi “Wasaaradda caafimaadku waa wasaaraddaha bixiya adeega caafimaad, adeeguna waxaa uu u baahan yahay in tayadiisa la joogteeyo, tayaduna waxaa ay u baahan tahay in qorshe loo sameeyo in siyaasadd la dejiyo shaqaalaha la tababaro in adeeg bixinta marka la qabanaya la kormeero, islamarkaana laga war hayo”

Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. Maxamed Cumar Yaabe ayaa ka warbixiyay tiradda xarumaha Hooyadda iyo dhallaanka ee degmadda Boorama waxaanu yidhi “Gobolka Awdal waxaa uu leeyahay afar iyo sodon xarumaha Hooyadda iyo dhallaanka ah, shan cisbitaal indhihiinana waad ku soo arki doontaan”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply